4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Xoogag Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday guriga uu deggen yahay Guddoomiyaha Degmada Bardaale
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qaf oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray xalay degmada Bardaale ee gobolka Bay xoogag taabacsan Al-shabaab iyo ilaalada guddoomiyaha degmadaas, Jaamac Macallin Abshir.

Iskahorimaadkan ayaa yimid kaddib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen guriga guddoomiyaha degmadaas uu ka daggan yahay degmada Bardaale, iyagoo guddoomiyaha degmada uu ka badbaaday isku-daygaas dil.

"Dagaalka waxaa nooga dhintay laba askari, saddex kalena dhaawacyo ayaa naga soo gaaray, waana la iska difaacay kooxihii weerarka soo qaaday," ayuu yiri afhayeen u hadlay guddoomiyaha Bardaale ee dowladda Soomaaliya isagoo ku sugan degmadaas.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid aad u xooggan ayna arkeen maydadka laba ka mid ah dagaalyahannadii Al-shabaab oo lagu dilay dagaalkaas, sidoo kalena ay arkeen dhaawacyo kala duwan.

"Xalay dagaal culus ayaa degmada ka dhacay, waxaa si toos ah loo weeraray guriga uu degmadaas ka daggan yahay guddoomiyaha degmada, xaaladduna saakay waa mid deggen," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Bardaale oo sababo ammaan u qariyay magaciisa.

Afhayeen Al-shabaab u hadlay ayaa daboolka ka qaaday inay weerarkaas iyagu ka dambeeyeen ayna ku dileen askar badan oo ilaalo u ahayd guddoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Bay, balse ma sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Degmada Bardaale ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ku yaalla gobolka Bay oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya, taasoo ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay ka qabsadeen Al-shabaab horraantii sannadan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya