4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Danjiraha Somalia ee dalka Kenya oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato kala kulmaan Safarrada ay ku aadaan Nairobi

Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) —Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Kenya ay dhibaato ku qabaan baaritanno xad dhaaf ah oo ay mariso dowladda Kenya.

Danjiraha oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho wareysi gaar ah siiyay idaacadda Bar-kulan ayaa sheegay in Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya laba mar la baaro, isagoo xusay in marka koobaad lagu  baaro Wajeer marka ay Nairobi tagaanna markale baaritan lagu celiyo, arintaasoo uu sheegay in ay tahay qalad ay Dowladda Kenya ka galeyso dadka Soomaaliyeed.

Mudane Cali Ameeriko ayaa sheegay in dowladda Kenya uu kala hadlay in dadka kasoo safraya Soomaaliya laga dhaafo baaritannada faraha badan ee la marsiiyo isagoona xusay in dowladda Kenya uu u sheegay in Soomaaliya ay haatan ka jirto nabad la isku haleyn karo islamarkaana garoonka Muqdisho ammaankiisa siweyn loo adkeeyay.

“Waxaan ka codsaday in ay dad quburo ah oo reer Kenya soo diraan, halkan ay yimaadaan, indhahooda ay ku arkaan, maalmo ay joogaan ay arkaan sida maalin kasta dadka loo baarayo, sida makiinadaha loo marinayo, in dadka la baaro inay arkaan kadib wixii ay arkeen kula laabtaan Nairobi”

Dhawaan ayay ahayd markii taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyada ee dowladda Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud uu ugu baaqay dowladda Kenya in ay joojiso xayiraadda sacaadaha badan qaadata ee ay u geystaan diyaaradaha rakaabka ka qaada Soomaaliy ee u safra dalkeeda.

Diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya ayaa waxa si aad ah loogu baaraa magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari Kenya kahor inta aysan gaarin magaalada Nairobi, iyadoona baaritaankaasi uu qaato saacado dhowr ah, arintaasoo u gaar ah diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya