3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Danjiraha Somalia ee dalka Kenya oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato kala kulmaan Safarrada ay ku aadaan Nairobi

Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) —Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Kenya ay dhibaato ku qabaan baaritanno xad dhaaf ah oo ay mariso dowladda Kenya.

Danjiraha oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho wareysi gaar ah siiyay idaacadda Bar-kulan ayaa sheegay in Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya laba mar la baaro, isagoo xusay in marka koobaad lagu  baaro Wajeer marka ay Nairobi tagaanna markale baaritan lagu celiyo, arintaasoo uu sheegay in ay tahay qalad ay Dowladda Kenya ka galeyso dadka Soomaaliyeed.

Mudane Cali Ameeriko ayaa sheegay in dowladda Kenya uu kala hadlay in dadka kasoo safraya Soomaaliya laga dhaafo baaritannada faraha badan ee la marsiiyo isagoona xusay in dowladda Kenya uu u sheegay in Soomaaliya ay haatan ka jirto nabad la isku haleyn karo islamarkaana garoonka Muqdisho ammaankiisa siweyn loo adkeeyay.

“Waxaan ka codsaday in ay dad quburo ah oo reer Kenya soo diraan, halkan ay yimaadaan, indhahooda ay ku arkaan, maalmo ay joogaan ay arkaan sida maalin kasta dadka loo baarayo, sida makiinadaha loo marinayo, in dadka la baaro inay arkaan kadib wixii ay arkeen kula laabtaan Nairobi”

Dhawaan ayay ahayd markii taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyada ee dowladda Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud uu ugu baaqay dowladda Kenya in ay joojiso xayiraadda sacaadaha badan qaadata ee ay u geystaan diyaaradaha rakaabka ka qaada Soomaaliy ee u safra dalkeeda.

Diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya ayaa waxa si aad ah loogu baaraa magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari Kenya kahor inta aysan gaarin magaalada Nairobi, iyadoona baaritaankaasi uu qaato saacado dhowr ah, arintaasoo u gaar ah diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya













Click here
10/29/2012 12:04 PM EST
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), iyadoo ay meel magaalada 20km ka baxsan kaga hortageen maamulka gobolka Bari,

10/29/2012 11:55 AM EST
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kusoo bandhigay lacag been abuur ah oo isugu jirtey Dollar iyo Shilin Soomaali.

10/29/2012 6:27 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay ka gudaha dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo aargudasho ah, iyadoo xustay inay go'aansatay in Kenya ay ka shalaydo go'aankii ay ku gaartay inay gudaha u soo gasho dalka Soomaaliya.

10/29/2012 4:13 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo gabgabeeyeen howlo lagu tirakoobayay isla markaana lagu diiwaan-gelinayay dadka ku nool shan degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, sidoo kalena ay dhawaan billaabi doonaan tirakoobka iyo diiwaan-gelinta degmooyinka haray.

10/29/2012 4:12 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qaf oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray xalay degmada Bardaale ee gobolka Bay xoogag taabacsan Al-shabaab iyo ilaalada guddoomiyaha degmadaas.

10/29/2012 4:07 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Hayada samfalka ee Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo gacan weyn ka geysatay taageerada dadka dhibaateysan ee ku nool Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyesey barnaamij hilb-qeybin ah oo ku aaddan ciidul Adxa, waxayna kaamam ay ku jiraan dad curyaamiin ah ka qaybisay.

10/29/2012 3:25 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in howlaha ugu badan ee baarlamaanku uu qaban doono afarta sano ee soo socota ay noqonayso la xisaabtanka xukuumadda.

10/29/2012 3:11 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kusoo qulqulayaan deegaannada ay ka taliayaa kaddib markii looga adkaaday koonfurta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in maamulkiisu uu qorsheyanyo inuu wafdi u diro magaalada Kismaayo.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar gaadmo ah oo lagu dilay Jen. Maxamed Ibaahim Faarax (Goordan) oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab kaasoo ka dhacay shalay gallinkii dambe inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo kooxo hubeysani ay toddobaadkii hore ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa xalay dhaawacii soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka Madiina, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay lagu daweynayay.

10/29/2012 3:01 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Nabaddoon Maxamed Xaasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ka digay tirada wasiirrada la doonayo in lasoo magacaabo oo uu ku sheegay sagaal wasiir, isagoo xusay in tani ay sababi karto in Somaalida ay iska horkeento.