4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Wariye Toddobaadkii hore lagu dhaawacay Muqdisho oo xalay Isbitaalka Madiina ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo kooxo hubeysani ay toddobaadkii hore ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa xalay dhaawacii soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka Madiina, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay lagu daweynayay.


Marxuum Tuuryare ayaa wuxuu ka mid ahaa wariyeyaasha ka howgeli jiray idaacadda Shabelle oo ka mid ah idaacadaha ka jira Muqdisho, wuxuuna noqonayaa wariyihii saddaxaad oo idaacaddan laga dilo inta lagu jirto sannadkan, iyadoo sidoo kalena la dhaawacay laba wariye oo kale oo ka tirsan idaacaddan, waxaana lagu wadaa in isla maanta la aaso marxuumka.

"Dhaawaca wariyaha wuxuu ahaa mid hagaagsan, balse Sabtidii ayay xaaladdiisu ka dartay, ugu dambeynna xalay ayuu ku geeriyooday isbitaalka Madiina," ayuu yiri Maxamed Bashiir Xaashi oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda Shabelle oo qaar ka mid ah saxaafadda u warrramayay saakay oo Isniin ah.

Laba nin oo hubeysan ayaa toddobaadkii hore toogasho ku dhaawacay wariyaha iyagoo dhowr xabbadooda kaga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa, taasoo keentay in dhaawac ahaan loo dhigo isbitaalka Madiina oo uu xalay ku geeriyooday.

Maxamuud Tuuryare oo ah aabbaha dhalay wariyaha geeriyooday ayaa sheegay in wiilkiisa dhowr jeer oo loo hanjabay, kooxaha u hanjabayna ay u sheegeen inay dili doonaan haddii uu shaqada iska dhaafo iyo haddii kale.

"Wiilkeyga dhowr jeer ayaa loo hanjabay, isaguna wuxuu go'aansaday inuu dhinto isagoo howshiisa saxaafadeed ku jira, taasna way dhacday, waxaana wariyeyaasha kale ee ka howlgala Muqdisho kula talinayaa inaysan cabsi-gelin kuwa dhiigga dadka caadeystay," ayuu yiri Tuuryare.

Suxufigan oo 24-jir ahaa ayaa wuxuu 17 ka dhigayaa tirada suxufiyiinta lagu dilay Soomaaliya sannadkan oo keliya, iyadoo tani ay sii kordhanayso cabsida ay qabaan suxufiyiinta ka howgalaya Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid loo qabtay dilka wariyeyaashan la dilay, iyadoo maalmo ka hor lagu dilay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool wariye u shaqeynayay Telefishinka Universal.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya