4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Xisbiga UCID oo doortay Musharraxiinta doorashada soo socota uga qeybgeli doonta (SAWIRRO)


Axad, October,28 , 2012 (HOL)- Xisbiga UCID oo shirweynihiisii golaha dhexe ee maanta ku doortay musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u matali doona xisbiga UCID doorashadda madaxtinimo ee Somaliland.

 

Shirweynahan xisbiga oo maanta ka qabsoomay hoteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay Hogaanka sare ee xisbiga, golaha dhexe, golaha fulinta iyo ergooyin faro badan oo ka kala yimid gobolada iyo dibaddaba, kuwaas oo u yimid inay ka qaybgalaan shirweynahan.

 

Shirweynahan waxa lagu doortay musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi u matali doona doorashooyinka soo socda ee madaxtinimo Jamaal Cali Xuseen, halka musharax madaxweyne ku xigeena loo doortay Cabdirashiid Xasan Mataan, Guddoomiye kuxigeenna Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Guddoomiye kuxigeenka 4aadna waxa loo doortey Muxumed Maxamed,Xoghayaha Xisbiga Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse), Waxa kale oo Shirkaasi Golaha dhexe lagu ansixiyey 251-ka xubnood ee guddida Golaha dhexe ka kooban tahay.

 

Shirweynaha waxa laga soo jeediyey khudbado kala duwan, waxaanu gudoomiyaha xisbiga UCID eedo usoo jeediyey xukuumada oo uu tilmaamay inay sharciyo badan jabisay, kuna tagri fashay awoodeeda dawladnimo.

 


“Xisbiga Kulmiye waxa uu ku kacay inuu dastuurkii burburiyo oo arin dhammaatay oo ahayd inaan ururo la furin inuu khasab ku furay oo uu jabiyey dastuurkii, Wuxuu keenay inuu xeerkii doorashooyinka bedelo uu sameeyo xeer la yidhaahdo xeerka shirqoolka 14-aad oo la isku tollay, wuxuu keenay inay meesha ka baxdo shaqadii Guurtida iyo Wakiiladu oo wixiiba isku noqdaan xisbiga Kaliya oo mucaaradkii meesha ka baxo””ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo maalin ka hor wakhtigi ololuhu bilaabi doonaan hadalo dhaliilo u badan u jeediyey xukuumadda.

 

Waxa isagu halkaasi ka hadlay musharax madaxweynenimo xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo sheegay inuu aqballay jagadaasi loo doortay, isagoo uga mahadceliyey ergooyinka u doortay musharaxa madaxweynenimo ee uu u  ordi doono xisbigaasi.

 

“Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaan aqbalay Musharaxnimada Madaxwaynaha xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID marka ILAAHAY ina gaadhsiiyo”ayuu yidhi musharaxa madaxweynnimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey shirweynaha xisbiga.

 

Sidoo kale, waxa iyana halkaasi ka hadlay masuuliyiin badan, kuwaas ka waramay sidii ay doorashada ugu guulaysan lahaayeen iyo ololaha ay gali doonaan.




 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

argeysa, Somaliland