4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Roobab khasaare badan geystey oo ka da'ay qaar ka mid ah gobollada Puntland.

Axad, October 28, 2012(HOL): Khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xooggan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Karkaar. Goobaha ugu daran ee ay roobabku waxyeelooyinka ka geysteenna waxaa kamid ah degmooyinka: Boosaaso, Qandala, Xaafuun, Dangorayo iyo Bayla.

 

Inta la ogyahay 4-qof ayaa ku dhintay degmooyinka Qandala iyo Xaafuun, labo qof oo dadkaas kamid ahi waxay ahaayeen kaluumaysato, halka labada kalena ay ahaayeen wiil iyo gabar yar yar. Sidoo kale waxay roobabku halkaas ku dileen in ka badan 2000 oo xoolo ah iyadoo ay dumiyeen guryo boqol ka badan.

 

Degmooyinka Dangorayo iyo Bayla ayaa sidoo kale kamid ah goobaha ay roobabkii da'ay waxyeelada ka geysteen, waxuuna roobku hoy la'aan dhigay in ka badan 50 qoys, iyadoo sidoo kale ay degmada Bayla ku burbureen dhowr gaadiidka yar yar ee badda ah.

 

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxay iyaduna qayb ka tahay goobaha ay roobabkii da'ay waxyeeladu kasoo gaartey, waxaana burburay meelo badan oo ka mid ah jidka magaalada Boosaaso soo gala. 6 Buundooyinka yar yar ah ee jidka hoostiisa dhex mara ah ayey biyuhu dibadda  soo dhigeen, arintaas oo isu socodka gaadiidka carqalad ku noqotay.

 

Roobka dayrta oo ka curtay meelo badan oo kamid ah dalka, wuxuu kusoo beegmay xilli ay abaaro aad u darani ka jireen qaar kamid ah gobolada Puntland side: Bari iyo Karkaar.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya