4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Doomo Ganacsi oo Doonayay in ay Daabulaan Dhuxul oo Dib uga Laabtay Dekedda Kismaayo


Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) —Ilaa  laba doomood oo ku xirnaa dakadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo islamarkaasina doonayay in ay daabulaan dhuxul ayaa dib u laabtay kadib markii maamulka KMG ee Dekedda Kismaayo uu mamnuucay dhoofinta dhuxusha.

Kulamo maalmihii ugu danbeeyay ay yeelanayeen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni islamarkaasina ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil katirsan ciidamada Kenya ayaa looga hadlayay sidii laga yeeli lahaa dhuxusha faraha badan ee buuxdhaafisay kaamamka dhusuha ee magaalada Kismaayo, waxaana sida aan wararka ku heleyno ay masuuliyiinta qaar codsanayeen in la dhoofiyo dhuxusha haatan dekedda ku diyaarsan.

Ganacsade kamid ah gacanasatada reer Kismaayo ee wax kala soo daga dekedda islamarkaasina codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in maamulka KMG ee dekedda Kismaayo uu ku wargeliyay in aysan jiri doonin wax dhuxul ah oo laga dhoofin doono dekedda Kismaayo.

Ilaa laba doon oo kamid ah doomaha ganacsi ee laga leeyahay dalka isu tagga imaaraadka Carabta islamarkaasina doonayay in ay qaadaan dhuxul ayaa dib u laabtay kadib markii ay maalmo ku xirnaayeen Dekedda Kismaayo.

Dekedda Caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa imika ku xiran laba markab iyo shan doomood, kuwaasoo sida shixnado ganacsi oo ay kamidyihiin Sokor, Bariis iyo weliba alaabo kale oo bagaash ah, waxaana sida caadiga ah marka ay doomaha iyo Maraakiibta faaruqaan lagu rari jiray Dhuxul taasoo loo iibgeyn jiray qaar kamid ah wadamada Carabta.

Marka aad ku safarto degmooyinka gobollada Jubooyinka ayaa waxa aad dareemeysaa saameynta ay dhulka ku yeelatay dhoofinta dhuxusha, iyadoona ay indhahaagu qabanayaan geedo la jarjaray oo daadsan hareeraha wadooyinka, kuwaasoo loo diyaariyay in laga sameeyo dhuxul, waxaana sidoo kale xusid mudan in jarista dhirta ay u shaqo tagaan kumannaan qof kuwaasoo ay maalgeliyaan ganacsatada dhoofisa dhuxusha.

War kasoo baxay xafiiska madaxweeynaha Soomaaliya ayaa lagu taageeray qaraarkii ay hay’adda Qaramada Midoobay ku mamnuucday in la dhoofiyo dhuxusha, taasoo warbixinta lagu sheegay in ay Qatar ku tahay deegaanka iyo ammaankaba.

Dhoofinta dhuxusha ayaa la filayaa in ay badali doonto dhoofinta kheyraadka dalka sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, arintaasoo hadii ay hirgasho ay dad badani aaminsayihiin in dadku ay u dhaqaaqi lahaayeen tacbashada beeraha.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya