4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Dhallinyarada Waddanka Ruwanda oo Ururiyay lacag gaaraysa 30-Milyan oo Faran si ay ugu Tageeraan Soomaaliya
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Dhallinyarada dalka Ruwanda ayaa olole ay ka sameeyeen dalkooda Jimcihii lasoo dhaafay ku ururiyay lacag gaaraysa 30-milyan oo Faranka dalkaas ah, taasoo ay ugu talo-galeen inay ku taageeraan Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, C/llaahi Sheekh Maxamed.

Ololahan oo ay iska kaashadeen ururka dhallinyarada Ruwanda iyo wasaaradda dhalliniyarada, warfaafinta iyo isgaarsiinta dalkaas ayaa danjiraha Soomaaliya ee dalkaas wuxuu ku ammaanay dhallinyarada fikirka ay lacagaha taageerada ah ugu ururiyeen Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay qayb ka qaadan karto xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruwanda.

"Tani waa fikirkii ugu horreeyay oo Soomaaliya loogu ururiyo dhaqaale taageero ah, waana qorshe ay dhallinyarada Ruwanda ku caawiyaan dhallihyarada Soomaaliyeed ee ragga iyo dumarka isugu jira sannado badan oo colaado ah kaddib," ayuu yiri danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ruwanda.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka baranayso Ruwanda sidii ay ku xallisay dhibaatooyinkii soo maray, isagoo sheegay in taasi ay qayb ku yeelan karto sii socoshada xoojinta xiriirka labada dal.

"Markaan eegno wixii ka dhacay dalka Ruwanda sannadkii 1994-kii iyo heerka uu maanta marayo waxay nagu dhiirri-gelinaysaa inaan tusaale ka dhiganno si aan dalkeenna uga saarno dhibaatada. waana hubaa inaan maalin uun gaari doonno halkan oo kale," ayuu yiri dajire Cabdullaahi.

Dalka Ruwanda ayaa waxaa ka dhacay sannadihii sagaashameeyadii xasuuq ay ku dhinteen dad ka badan hal milyan qof, kuwaasoo ku saleysnaa hab qabiil, waxaana la sheegay in dagaalkaas ay kicisay mid ka mid ah idaacadihii dalkaas ka howgeli jiray xilligaas.

Wasiirka dhallinyarada, warfaafinta iyo isgaarsiinta dalka Ruwanda, Jean Philbert Nsengimana oo lagu wareejiyay lacagta la ururiyay ayaa sheegay inay ku caawin doonaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalliniyarada, maadaama dalka uu kasoo kabanayo dagaallo sokeeye oo sannado badan socday.

"Tani waa billow - waanan sii wadi doonnaa inaan si wadajir ah u shaqeyno si loo xaqiijiyo in dalkeenna iyo qarankeenna uu bixiyo wixii laga sugayay," ayuu Nsengimana ku yiri hadal uu warbaahinta dalkaas siiyay.

Ololahan dhallinyarada Ruwanda ay ku ururiyeen dhaqaalaha ay Soomaaliya ku taageerayaan ayaa waxaa billaabay Emmanuel Hitimana oo bartiisa Facebook-ga ku shaaciyay in la ururiyo dhaqaale lagu caawiyo Soomaaliya, taasoo noqotay mid miro-dhashay.

"Colaadaha Soomaaliya oo dhaliyay inay boqollaal qof barakacaan kuwo kalena ay dhintaan waxay sababeen macluul, sidaa daraadeed waxa keliya ee ay doonayaan waa kaalmo," ayuu yiri Hitimana oo in ka badan 300 oo qof kula hadlayay bartiisa Facebook-ga, isagoo dowladdiisana ugu baaqay inay qaybteeda ka qaadato ururinta kaalmadaas.

Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya lacag looga ururiyo dalka Ruwanda oo ku socda jid horumarineed oo wanaagsan, kaddib dagaallo ay dad badan ku dhinteen oo dadlkaas ka dhacay sannadihii sagaashameeyadii, xilligaas oo ay Soomaaliya qudheedu ku jiray dagaallo sokeeye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya