4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Mareykanka oo sheegay inuu kordhinayo duqeymaha ay diyaaradahiisa aan duuliyaha lahayn ka geysanayaan Soomaaliya
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Mareykanka, Lion Benita ayaa sheegay inay kordhinayaan ay sii laba jibaarayso weerarrada dhinaca cirka ah ee ay ka fulinayaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Baneta ayaa xusay in kulan uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda Marekanka, Hilary Clinton iyo qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka dalkaas ay kaga hadleen sare u qaadista duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadayaan saldhigyada ururka Al-qaacida ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya si looga hortago weerarrada argigixisanimo ee ay qorsheenayaan.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in la wiiqay awooddii Al-shabaab lagana qabsaday gobollo iyo deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku haayeen sida magaalada xeebta leh ee Kismaayo; haddana aysan qaadi karin weerarro toos ah Mareykankuna uu ku ugaarsan doono goobaha ay kaga sugan yihiin Sooomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa dhowr jeer weerarro dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geystay Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dileen saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jireen kuwo ajaanib ah.

Hadalkan ku saabsan in Mareykanku kordhinayo duqeynta ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya ayna fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa imaanaya xilli ay horumarro dhinaca dagaallada ah ku tallaabsanaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee AMISOM.

Mareykanka ayaa horay u dul-dhigay saraakiisa sarsare ee Al-shabaab lacago madaxfurasho ah, waxaana saraakiishaas ka mid ah, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ah hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan, Sheekh Fu'aad Shangole iyo sidoo kale hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya