4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
ONLF oo faahfaahin ka bixisay Waxyaabihii Hakadka geliyay Wadahadalladii ay kula jirtay Dowladda Itoobiya (SAWIRRO)


Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) - Jaaliyadda Ogadenia ee dalkan Kenya ayaa maanta qabatay shir ay kaga hadlayeen wada hadaladii hakadka galey ee jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia.

Shirka ayaa waxaa lagu casuumay xubno katirsan guddiga wada hadalka ee ONLF iyo dowladda Ethiopia, waxeyna sheegeen xubnahaasi in waxyaabihii la isku afgaran waayey ay ahaayeen Itoobiya oo soo jeedisay in ONLF ay qaadato dastuurka dowladda federaalka Itoobiya.

Sulub Cabdi Axmed, oo ah xubin katirsan guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee ururka ONLF, qeybna wada hadaladii sida qarsoodiga ugga socday Nairobi ayaa goobta ka sheegay dhanka kale sababihii keenay in labadda dhac ay isku af garan waayeen iney ahaayeen Itoobiya oo hadba shuruudo cusub kusoo kordhineysay wada xaajoodkii u socday.

Dadweyne aad u fara badan oo taageera halganka jabhadda ayaa shirka kasoo qeyb galey, iyo sidoo kale saraakiil fara badan oo katirsan isla jabhadda.

Wada hadalada u dhaxeeyey jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia ayaa waxeu bilawdeen 15-kii bishan October, 2012-ka, wuxuuna istaagey 17-kii October, 2012-ka.

Wada hadaladan ayaa waxaa dhax dhaxaadineysay labadda dhinac dowladda Kenya, waxaana kor joogta ka ahaa dowlado Reer Galbeed ah, waxaase laga yaabaa sida wararka shirka ku dhawdhaw ay tilmaamayaan in wada hadalada ay mar kale dib u bilawdaan.

Dowladda Itoobiya way qiratey iney jireen wada hadalo qarsoodi ah iney kula galeen Kenya jabhadda ONLF, tafaasiil dheereedse ma aaney ka bixin halkii ay ku danbeeyeen wada xaajood kaasi.

Jabhaddan ayaa bilawdey dhaq dhaqaaqeeda xornimo doonka ah 1984-tii, waxaana saldhig u ah sida ay sheegeen in gobolka Soomaalidu degto Itoobiya laga geeyo dalkaasi intiisa kale.

Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.
E-Mail: [email protected]