3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Ciidanka Booliiska oo Muqdisho kusoo Bandhigay Maydka Ruux toogasho lagu dilay oo ay sheegeen inuu Weeraray Saldhig Ciidan

Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa saakay oo Axad ah soo bandhigay maydka wiil dhallinyaro ah oo la toogtay, kaasoo ay sheegeen inuu xalay bam-gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya, ahna taliyaha hoggaanka dambi-baarista booliiska ee CID-da, Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa warbaahinta u sheegay in ruuxa la toogtay uu bambaano ku weeraray xalay fiidkii saldhig ciidan oo xaafadda Towfiiq ku yaalla.

"Maydka aad arkaysaa wuxuu ahaa ruux bam ku weeraray saldhig ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, waxaana toogtay ciidamadii uu bambaanada ku weeraray," ayuu yiri Jen. Bariise oo sheegay inaysan wax khasaare ah ciidamada u geysan bam-gacmeedkii uu ruuxa la dilay tuuray.

Dadweyne badan oo ku nool xaafadda Towfiiq oo goobta gaaray ayaa waxay qaar ka mid ah sheegeen in ruuxa dhallinyarada ah ee la dilay aanay garanayn, ayna ku taallo jirkiisa rasaas fara badan, tan iyo xalayna uu yaallay goobta lagu dilay.

"Maadaama la garan-waayay waxaanu doonaynaa in maamulka degmada aan ugu yeerro si ay u aasaan," ayuu yiri Jen. Bariise oo hadalkiisa ku daray in wiilkan ay u arkaan inuu yahay nin lasoo siray.

Degmada Yaaqshiid ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay inta badan ka dhacaan iska horimaadyada iyo falalka ammaan-darro ee ay geysanayaan kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab, waxaana falkaas ay galaafteen dad aad u fara badan oo ay ku jiraan wariyeyaal.

Ugu dambey, afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ruuxa la dilay uu ka tirsan yahay Al-shabaab, inkastoo aysan jirin hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan in ruuxan uu ka tirsanaa xoogaggooda iyo inuusan ka tirsanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/28/2012 2:54 PM EST
Axad, October,28 , 2012 (HOL)- Xisbiga UCID oo shirweynihiisii golaha dhexe ee maanta ku doortay musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u matali doona xisbiga UCID doorashadda madaxtinimo ee Somaliland.

10/28/2012 2:50 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xooggan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Karkaar. Goobaha ugu daran ee ay roobabku waxyeelooyinka ka geysteenna waxaa kamid ah degmooyinka: Boosaaso, Qandala, Xaafuun, Dangorayo iyo Bayla.

10/28/2012 2:48 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Golaha wakiillada ee Puntland ayaa maanta isugu yimid kal-fadhigoodii 29-aad, waxaana furay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyadoo ay sidoo kale munaasabadii furitaanka joogeen madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

10/28/2012 11:04 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) —Ilaa laba doomood oo ku xirnaa dakadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo islamarkaasina doonayay in ay daabulaan dhuxul ayaa dib u laabtay kadib markii maamulka KMG ee Dekedda Kismaayo uu mamnuucay dhoofinta dhuxusha.

10/28/2012 9:10 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Dhallinyarada dalka Ruwanda ayaa olole ay ka sameeyeen dalkooda Jimcihii lasoo dhaafay ku ururiyay lacag gaaraysa 30-milyan oo Faranka dalkaas ah, taasoo ay ugu talo-galeen inay ku taageeraan Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, C/llaahi Sheekh Maxamed.

10/28/2012 8:13 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Kulan ay boqolaal haweenka Soomaaliyeed ka tirsan ay ku yeesheen Hoteelka Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed loogu doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xilligii dowladda hore ee Soomaaliya ururkan ka ahayd xubin buuxda.

10/28/2012 7:50 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Mareykanka, Lion Benita ayaa sheegay inay kordhinayaan ay sii laba jibaarayso weerarrada dhinaca cirka ah ee ay ka fulinayaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

10/28/2012 7:43 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Waxaa maalinta barito ee isniinta ee bishan oktobar 29,keeda si rasmi ah u bilaabmi doonna ololaha xisbiyada ee tartanka doorashadda golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo noqon doonta mid xamaasadeeda leh, isla markaana dib u bilaabi doonta eedihii iyo dhaliilihii hawada la isku marin jiray si dadka loo kala kasbaddo, mid waliba iskaga dhigi lahaa kii dalka iyo dadkan wax u qabanayey.

10/28/2012 7:33 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Axad ah ku toogteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha kawada dalka Kenya.

10/28/2012 3:59 AM EST
Jaaliyadda Ogadenia ee dalkan Kenya ayaa maanta qabatay shir ay kaga hadlayeen wada hadaladii hakadka galey ee jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia.

10/28/2012 2:18 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha dhaqdhaqaqa Raaskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay Kismaayo todobaadyo ka hor, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobollada Jubbooyinka loo sameynayo maamul ka yimaada dadka shacabka ah oo ka hufan nin jeclaysi iyo qabyaalad.

10/28/2012 1:47 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ku jira wadatashadiisii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirrada, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu rasmi ahaan u soo magacaabayo.