3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Dableey hubeysan oo saddex qof oo shacab ah ku dilay deegaan hoos taga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa lagu waramayaa inay ku dileen galinkii danbe ee maalintii shalay sadax ruux oo rayid ah deegaan lagu magacaabo Oomane oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Matabaan ee maamulka dowladda Soomaaliya Max’ed Warsame Nuur oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in kooxihii dilka geystay ka baxsadeen goobta, islamarkaana ay ku howlan yihiin sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

"Waxaa ay ahaayeen kooxo doonaya ay fino ka dhax abuuraan dadka ku wada dhaqan degmada, howlgalo lagu baadi goobayo ayaa socda, marka gacanta lagu soo dhigana sharciga ayaa la horkeeni doonaa,’’ ayuu yiri guddoomiyaha  degmada Mataban.

Waxaa uu sheegay in maamulkiisu si adag u canbaareynayo dilka dadka rayid ah, isaga oo sheegay in looga baahan yahay dadka ku dhaqan degmada Matabaan in ay u is taagaan sidii looga hor tagi lahaa kooxaha falalka amaan darro geysanaya.

Ragga la dillay ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin dadka tuulada Oomane, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilkooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya












Click here
10/27/2012 7:20 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Dhallinyaradda magaalada Hargeysa ayaa ilaa maalintii Ciidda iyo maalinta labaad ee ciidda safar dalxiis ah uga baxay magaaladda, iyagoo intooda badan dalxis ahaan u tagaan magaalo xabeedka Berbera ilaa Buurta Sheekh oo ah meel dalxiiska iyo in sawiro lagu galo ku fiican, halka qaarkoodna u baxaan dhinaca galbeed Magaalada Gabiley ilaa Boorame.

10/27/2012 6:25 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo loo adeegsaday Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna qaraxaasi sababay khasaarooyinka soo gaaray ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.

10/27/2012 6:14 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) – Shirkada xawaalada Amaana oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlaneyd sidii loo caawin lahaa qoysaska dhibaateysan ee ku nool magaalada Baladweyne, ayaa munaasabada ciidul-adxa awgeed kaalmo balaaran gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwo ay samaayeen fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qaar kale oo ay la soo darseen daruufo dhinaca nolasha ah.

10/27/2012 4:32 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Shacabka ku dhaqan xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa ka cabanaya Tuugo xilliyada habeenkii ah dhac u geysta dadka, kuwaasoo ka qaata teleefonnada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

10/27/2012 4:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) - Roobabkii Dayrta ayaa si weyn uga curtay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal ee Puntland. Roobka ugu badan oo da’ay maalinnimadii shalay, waxaa goobaha uu sida fiican ugu hooray kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo iyadu muddo sanad ah aan wax roob ahi arkin.

10/27/2012 4:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay dhac iyo dhibaateyn kala duwan kala kulmaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

10/27/2012 3:47 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubery) oo cajalad maqal ah soo saaray ayaa uga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba dagaallada ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

10/27/2012 3:36 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedel weyn lagu sameyn doono hay'adaha kala duwan ee dowladda si dib loogu soo celiyo dhismihii ama haykalkii dowladeed ee dalka.