4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Qarax Xooggan oo ka dhacay Agagaar Xarunta maamulka Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo loo adeegsaday Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna qaraxaasi sababay khasaarooyinka soo gaaray ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd goob laga shaaheeyo oo ku taal afaafka hore ee laga galo xarunta degmada, waxaana ku sugnaa dad rayid ah iyo ciidamo katirsan kuwa dowladda xilligii uu qaraxa dhacayay.

Goobjooge ku sugnaa agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa HOL u sheegay in qaraxu ahaa mid xooggan oo laga maqlayay xaafado badan oo katirsan magaalada, wuxuuna sheegay in qaraxa kadib ay goobta xireen ciidamada dowladda, kuwaasoo rasaas badan cirka u ridayay.

Illaa imika inta la ogyahay qaraxa waxa ku dhintay hal qof oo rayid ah, waxaana ku dhawacmay ilaa afar kale oo  labo kamid ah ay ahaayeen ciidamada dowladda.

Ma jiraan masuuliyiin katirsan ciidamada dowladda oo faahfaahin ka bixiyay qaraxa, ilaa imikana ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Tan iyo markii ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ay la wareegeen Kismaayo, waxa magaalada kusoo badanayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo aan la garanayn oo si qarsoodi ah howgallo uga fuliya gudaha magaalada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya