4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Shacabka ku dhaqan xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi oo ka cabanaya tuugo dhac u geysta Xilli walba

Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Shacabka ku dhaqan xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa ka cabanaya Tuugo xilliyada habeenkii ah dhac u geysta dadka, kuwaasoo ka qaata teleefonnada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

Tuugadan oo ku hubeysan toori ayaa waxay dadka u istaagaan wadooyinka, waxayna si bareer ah uga qaataan teleefonnada iyo waxyaalaha kale ee muhiimka ah, iyagoo ciddii ku madax adeygtana geliya tooreeyda.

“Sedexdii maalmood ee ugu danbeeysay waxaa tooreey la geliyay illaa shan qof, dadka la dhacayna tobaneeyo ayay gaarayaan,” sidaa waxa yiri Cali Ibraahim shaafici oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Eastleigh.

Kooxaha dhaca geysanaya ayaa ah dhalinyaro Soomaali ah oo xaafad-xaafad u abaabulan islamarkaasina baxsaday Magacyo sida  “Super Power” iyo magacyo kale oo badan.

“Walahi dhibaato ayaa naga heysata ciyaalkan tuugada ah, wiil yar oo aan dhalay ayay xalay toori geliyeen Mobile-kiina way ka qaateen, isbitaalka ayaan geynay xaaladiisana halis ayay ku sugantahay,” sidaa waxa tiri Maamo Faadumo oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Islii.

Culumaa’udiinka ku dhaqan Xaafadda Islii oo dadka kala hadlay masaajidda ayaa ugu baaqay Soomaalida ku dhaqan xaafaddan in ay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ba’an ee ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku hayaan dadka ku dhaqan xaaafadda.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ah xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kamakunji ee ay xaafaddani ka tirsantahay oo isna shalay khudbad ka jeediyay munaasabaddii Ciidda ayaa ugu baaqay dadka reer Islii in ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo sidii loo ilaalin lahaa nabadgelyada xaafadda oo maalmihii u danbeeyay ay ka dhacayeen dhibaatooyin.

Ciidamo Boolis ah ayaa xalay lagu soo daadiyay xaafadda Islii waxayna ciidamadani qabqabteen tobaneeyo dhalinyaro ah kuwaasoo ay uga shakiyeen in ay ka tirsanyihiin kooxaha dhaca ka geysta xaafadda.

Soomaalida ku nool xaafadda ayaa ka codsanaya dowladda Kenya in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ay kooxahani burcadda ah ku hayaan dadka deegaanka.

Hiiraan Online; News Desk.