4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Waddada isku xirta Gobollada Puntland oo ay roobab xooggani waxyeello u geysteen (DAAWO SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) - Roobabkii Dayrta ayaa si weyn uga curtay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal ee Puntland. Roobka  ugu badan oo da’ay maalinnimadii shalay, waxaa goobaha uu sida fiican ugu hooray kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo iyadu muddo sanad ah aan wax roob ahi arkin.

Inkasta oo ay hogasha da’day ahayd mid ay dadku si wanaagsan ugu diirsadeen, waxay hadana waxyeelo kasoo gaartey jidka laamiga ah ee isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.

Biyo badan oo kasoo rogmadey togagga yar yare ee ka samaysma buuraha iyo dooxooyinka uu jidku dhex maro ayaa sababay in wadadu ay meelo badan ka go’do, dhaq dhaqaaqa gaadiidkuna uu meelaha qaar muddo saacado ah hakad galo.

Buundooyinka yar yar ee wadada hoosteeda mara in badan oo kamid ah ayey biyihu dibadda soo dhigeen, waxaana adag in ay gaadiidku si fudud uga gudbaan.

Inkasta oo aan weli wax dayactir ah lagu sameyn, waxaa hadana socota qiimeyn ay waddo hay’adda jidadka Puntland PHA, kuna aadan sidii loo ogaan a baaaxadda khasaaraha.

Dhowr mar oo hore ayey sidan oo kale biyaha roobku u waxyeeleeyeen jidka magaalada Boosaaso gala, oo isagu halbowle u ah isusocodka dadka iyo ganacsiga ee guud ahaan dalka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya