4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Shacabka Degmada Marko oo ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen inay u geystaan ciidamada dowladda Soomaaliya
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay dhac iyo dhibaateyn kala duwan kala kulmaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ah aan lagu dhex socon karin magaalada, sidoo kalena ay xiraan goobaha ganacsiga iyagoo ka baqdin qaba inay dhac u geystaan ciidamada dowladda.

"Dhibaatooyin badan ayaan kala kulannaa ciidamada dowladda, waayo ganacsiga oo dhan waa la xiraa markii uu gabbalku dhaco iyadoo laga baqdin qabo in dhac loo geysto, haweenkuna ma dhex socon karaan degmada iyagoo baqdin ka qaba in la kufsado," ayuu yiri Cali Muumin oo ka mid ah dadka ku nool degmada Marko.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Marko ayaa beeniyay inay jiraan dhibaatooyin ay ciidamada dowladdu u geystaan dadka shacabka ah, balse cabshada shacabka ee ku aaddan dhibaatooyinka ciidamadu geystaan ayaa ah kuwo aad u soo kordhaya.

"Ciidamadu dowladdu waxay dhawaan haweeney rayid ah ku kufsadeen xaafadda Buulo-jaan ee degmada Marko. Sidoo kale waxay dileen dhowr qof oo uu ku jiro nin madaxa looga jiro," ayuu yiri Muumin oo sheegay in kuwani ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka ay ciidamada dowladdu ku hayaan shacabka degmadaas ku nool.

Ugu dambeyn, Muumin wuxuu sheegay in markii Al-shabaab ay ka talinaysay degmada ay qabeen nabad, balse ay jirtay cabsi ay ka qabeen in lagu eedeeyo inay la shaqeeyaan dowladda, taasoo sida la xusuusto dhowr qof ay Al-shabaab ugu dileen degmadaas iyo qaybaha kale ee gobolka Bay.

Degmada Marko oo 90-km dhinaca koonfureed kaga beegan Muqdisho ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab looga qabsado dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula jiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya