4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab oo cajalad maqal ah kaga hadlay dowladda cusub iyo magaalooyinkii lagala wareegay

Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubery) oo cajalad maqal ah soo saaray ayaa uga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba dagaallada ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Masuulkani ayaa ugu horeyn hambalyo ciidda ku aadan u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in dalka Soomaaliya lagu soo qaaday duulaan dhinacyo badan leh, wuxuuna xusay in Xarakada Al-shabaab aysan marnaba joojin doonin dagaalladooda ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan qeybo katirsan gobollada dalka Soomaaliya.

“Ujeedada ay ka leeyihiin duulaanka Soomaaliya waa dhoofka kheyraadka dalka, sida shidaalka iyo macaadiinta, maadaama caalamka ay soo foodsaartay burbur dhaqaale, Soomaaliyana ay u arkaan keyd kamid ah keydadkooda,” ayuu Sheekhu hadalkiisii raaciiyay.

Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan dowladda Cusub oo uu ku tilmaamay in ay tahay koox ay soo barbaariyeen wadamada reer galbeedka islamarkaasina la wadaaga diin iyo dhaqanba, wuxuuna xusay in sababta KMG dalka looga saaray ay tahay in dowladda cusub ay gasho heshiisyo caalami ah, si kheyraadka dalka loola baxo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya uu yahay qalad kamid ah khaladaadka waaweyn ee ay galeen wadamada reer galbeedka, wuxuuna xusay in dowladda Kenya ay ka shalayn doonto soo gelitaankooda Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay magaalooyinkii ugu danbeeyay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay in guusha aysan ahayn magaalo madax la qabsado, wuxuuna xusay in maamulladooda ay weli ka shaqeynayaan magaalooyinkii lagala wareegay.

Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa ugu danbeeyn ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed in ay u istaagaan dagaal Jihaad oo looga hortagayo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isku fidinaya gobollada dalka.

Cajaladan maqalka ah ee uu soo saaray hogaamiyaha ugu sareeya Al-shabaab ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah oo ay hore gacanta ugu hayeen xoogagga Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya