4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono Hay'adaha kala duwan ee Dowaldda
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedel weyn lagu sameyn doono hay'adaha kala duwan ee dowladda si dib loogu soo celiyo dhismihii ama haykalkii dowladeed ee dalka.

Xasan Sheekh, wuxuu sheegay in lagu mashquulsan yahay dhismaha xukuumad howlaha dowladda sii wadda, isagoo xusay inay ka go'an tahay inay dib u soo celiyaan dowladnimadii Soomaaliya, wuxuuna hadalladan ka jeediyay kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

"Farriinta aan u gudbinayo xildhibaannada iyo xubnaha kale ee dowladda waa inaan ku mashquulsannahay dhismaha dowladda si loo soo celiyo haykalkii dowladeed, waxaana wadnaa inaan sameynno wixii aan noo sameynayn wixii sameynaana dib u habeyn xooggan ayaan ku sameynaynaa," ayuu madaxweynuhu yiri.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay la imaan doonaan howl ka duwan kuwii hore; isagoo xusay inaanay dib ugu laabanayn waxyaabihii horay u shaqeyn waayay, balse ay doonayaan inay sameeyaan howl taas ka duwan.

"Waxaan rabnaa inaan marno jid cusub oo aan horay loo marin, go'aankeennuna waa inaan dhexda laga soo laaban oo la dhameystiro howlaha dhiman, mana doonayno inaan marno waddo meel cidlo ah na geynaysa," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Laga soo billaabo sannadkii 2000 oo la galay KMG-nimada illaa hadda waxaa la sameeyay isku-dayo fara badan; laakiinse duruufo kala duwan oo lasoo maray ayaa sababi waayay in la gaaro halkii la higsanayay."

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay doonayaan in dowlad shaqeysa oo hanata dalka dhan soona celisa sharaftii iyo karaamadii ay lahayd ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya