4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan kana qayb-qaataan nabad kusoo celinta dalka
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan ayna ka qayb-qaataan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay inaan dagaal wax faa'iido ah lagu gaarayn.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay ka go'an tahay inay nabadda dalka dib u soo celiyaan ayna dowalddu soo dhaweynayso cid walba oo ka qayb-qaadanaysa deib u soo celinta nabadda dalka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan sidii nabadda loosoo celin lahaa.

"Dhammaan kooxaha hubeysan oo ay Al-shabaab ka mid tahay waa inay hubka iska dhigaan oo ay qayb ka qaataan dib u dhiska dalka iyo nabadeyntiisa," ayuu yiri Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay masjidka Isbahaysiga Islaamka oo uu boqolaal qof kula tukaday salaaddii ciidda ee maanta.

Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn go'aanka ay ka qaadanayso hadalka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo la xusuusto inay horay u sheegeen in dowladda cusub iyo madaxdeeda ay ula dagaalamayso si la mid ah sidii ay ula dagaalantay dowladdii iyo madaxdii ka horreeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inuu la dagalamayo Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inaysan doonayn nabad dalkan ka dhalata, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inuu iska bedelo mowqifkiisii hore.

Dowladda Soomaaliya oo xilka haynaysa afarta sano ee soo socda ayaa madaxda hoggaaminaysa waxay dhowr jeer oo hore sheegeen inay xoogga saarayaan sidii ay salka ugu dhigi lahaayeen nabadda dalka, una gaarsiin lahaa shacabku inay soo doortaan hoggaamiyeyaashooda.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno ku yaalla gobollada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, sannadkan oo keliya laga qabsaday deeganno ay awood badan ku lahaayeen sida magaalada Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya