4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Soomaalida iyo Muslimiinta kale ee ku nool Magaalada Cape Town ee dalka Koonfurta Afrika oo Maanta si weyn u ciiday
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu dukado salaadaha ciidda ee ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaalada.

Soomaalida iyo muslimiin kale oo fara badan ayaa waxay isugu soo baxeen barxadda weyn ee ku taalla xaafadda Bellville ee duleedka magaalada Cape Town, halkaasoo ay ku tukadeen salaadda ciidda, waxaana dadku ay isugu hambalyeynayeen ciidda.

Jawiga ayaa waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan oo dadka wajiyadooda ay farxadi ka muuqaneeysay rag iyo dumarba, waxaana la xiray dhammaan goobihii ganacsiga Soomaalida xiligii la tukanayay salaadda ciidda.

"Aad ayaan ugu faraxsannahay inaan ciiddan ku ciidno innagoo caafimaad qabna, waxaana u rajeynayaa qof walba oo Soomaaliyeed barwaaqo iyo baraare," ayay u sheegeen dadkaas qaarkood warbaahinta.

Waxaa kaloo jira Soomaali kale oo ku kala nool xaafado halkaasi ka fog kuwaasoo iyagu dhexda ka raacay muslimiinta kale ee ku nool deegaannadaas oo ay ka mid yihiin Johannesberg iyo deegaanno kale oo dalkaas ka tirsan.

Ciiddan ayaa waxa ay ahayd mid dadku ay si weyn ugu soo baxeen sababta oo ah xiliga ay kusoo beegantay ayaa wuxuu yahay xili ay cimmiladu ay tahay mid aad u wanaagsan marka la eego dalka Koonfur Afrika.

Inta aanan salaadda la dukan ayaa waxa halkaasi muxaadarooyin kasoo jeediyay culummada diinta oo dadweynihii halkaasi isugu yimid ku baraarujiyay muhiimada ay leedahay ciidul adxada iyo sida ay tahay in loo guto.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape-town, Koonfur Afrika