4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Guddida doorashooyinka oo ku dhawaaqay jadwalka maalinlaha ah ee ururadda siyaasaddu samayn doonaan ololaha doorashadda


Khamiis , October, 25, 2012 (HOL)-Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay jadwalka olola doorashooyinka Somaliland, iyagoo si rasmi ah u sheegay in bishan octobar 29 keeda bilaabmi doono ololaha doorashooyinka golaha deegaanka.

 

Afhayeenka guddida doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), ayaa shaaciyey sida ay u kala horeeyaan ururada iyo xisbiyada ka qaybgali doona doorashooyinka, waxaana maalinta isniinta ee bishu tahay 29 Octobar,2012 olola bilaabi doonna ururka UMMADDA, Waxa xigi doonnna xisbiga UCID oo maalinta salaasadda ee bisha 30 Octobar u leh, halka Xisbiga KULMIYE maalinta Arbacadda ee bisha 31keedda yeelan doono ololaha, ururka DALSAN 1-da November maalinta khamiista ayuu isna u leeyahay ololaha, Ururka RAYS waxa uu isku soo baxiisu noqonayaa sabtida ee bisha november  2-da tahay iyo ururka XAQSOOR oo maalintiisa ololaha noqon doonno Axadda bisha 4/Nevember/2012.

 

Ololaha ayaa socon doonno bil ah, waxaana xisbi waliba leeyahay maalin u gaar ah, maalintaas guud ahaan isaga ayaa iska leh inay taageerayaashiisu isku soo baxaan, iyadoo ay mamnuuc ka tahay in urur kale maalintiisa mooyee maalin kale olole gallo,  isla markaana waxa uu noqon doono taxana ilaa 25 november, 2012 oo oluhu ku eeg yahay, 28 Novemberna doorashadda ayaa dhici doonta.

 

Guddidu waxa kale oo ay amar ku bixiyeen in aan ololaha lagu gali doonin hantida dadweynaha iyo gaadiidka dawladda, sidoo kale waxa la mamnuucay in meelaha dadweynaha ee la wada leeyahay aan xisbi kaligii yeelan karin,iyadoo ciidamada amniga ku amray inay talaabo ka qaadaan cidii isticmaalaysa hanti dadweyne, gaadiidka dawladda iyo goobo dadweyne in olole lagu sameeyo.

 


Tartankan ayaa noqon doona mid adag, maadaama oo xildhibaanada golaha deegaanka isku soo sharaxay aad u badan yihiin kuna dhow yihiin ilaa kun qof oo  degmooyinka somalialnd oo dhan u sharaxan, waxayna noqonaysa in musharaxiinta isku ururka ah leftoodu tartan hoose oo kala jiidashada dadweynaha ah ka dhexeeyo, iyagoo si guud iyo gaar gaar ah ololaha u gali doonna, isla markaana musharax waliba cududiisa taageero uu soo bandhigi doono.

 

Xildhibaanadda ayaa ah kuwa aad u farobadan, maadaama uu xisbida ka qaybgalaya doorashooyinka ay todob urur yihiin, taas ayaa laga yaabaa inay keento tartan adag inuu dhex maro xisbiyadda, haseyeeshee waxa la sameeyey guddida dabagalka iyo qiimeynta oo kormeeri doona qaabka ay musharaxiinta iyo ururadu u galayaan ololaha, iyadoo talaabo ka qaadaysa cidii ku xadgudubta anshaxa iyo nidaamka doorashada loo dhigay, iyadoo warbaahinta inta ololuhu socdo loo sameeyey guddi eegta qaabka wax uga tabinayaan ama u qorayaan, gaar ahaan warbaahinta dawladda ayaa iyana lala socon doona in si siman ugu qaybiso xisbiyadda.

 


Si kastaba ha ahaatee, Tartankan ayaa laba weji leh mid mushariintu ku noqonayaan xildhibaano  codka ku kala baxa  iyo mid lagu kala reebayo todobada urur, iyadoo la rabo inay saddex xisbi qaran oo kaliya soo baxaan, taas ayaa keenaysa in ururada iyo musharaxiinta mid waliba gaarkiiisa u dadaalo, si ururku u noqdo saddexda xisbi ee mustaqbalka doorashooyinka kale ka qaybgali doonna, isla markaana degmooyinkana xildhibaanadiisu ugu soo bixi lahaayeen.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland