4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Xarrakada Al-Shabaab oo dhagax ku dishay gabar ay dembi ku eedeysay
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa maanta xukun dhagax-ku-dil ah ku fuliyay gabar ay ku eedeeyeen inay gogol-dhaaf sameeysay iyadoo uu nin qabo, waxaana sidoo kale isla goobta lagu karbaashay ninkii la sheegay inay gogol-dhaafka la sameysay.

Masuul katirsan maxkamadda degmada Jamaame  oo goobta hadal ka jeediyay kahor inta uusan xukunka dhicin ayaa sheegay in labadani dhalinyaro lagu helay danbi ah in ay sameeyeen gogol dhaaf, wuxuuna intaa ku daray in maxkamadda degmada Jamaame ay ku xukuntay in la marsiiyo wax ay ka qabto shareecada islaamka.

Masuulkani ayaa sheegay in gabadha lagu xukumay in la rajmiyo (Dhagax lagu dilo) halka wiilkana lagu xukumay in lagu dhufto boqol karbaash maadaama la sheegay in uusan hore usoo marin guur.

Goobta uu xukunka ka dhacayay oo ahayd fagaare weyn oo ku yaal magaalada Jamaame ayaa waxa isugu soo baxay boqollaal dadweeyne ah kuwaaso usoo daawasho tagay sida uu xukunka u dhacayo.

Masuul katirsan Maxkamadda degmada Jamaame ayaa goobta ka aqriyay falalka lagu heysto labadani qof, wuxuuna sheegay in baaritaan dheer kadib la xaqiiqsaday in falalka lagu eedeeyay ay dhabyihiin.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay xoogagga Al-shabaab xukun caynkan oo kale ah ka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya, haseyeeshee waxa jirtay xukunno kuwan la mid oo ay hore u fuliyeen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya