4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Xaflad lagu furayay Idaacad iyo Telefishin u gaar ah Waxbarashada oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Waxaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad lagu furayay idaacad iyo telefishin u gaar ah waxbarashada oo lagu magacaabo Radio Iftin iyo Iftin TV. Idaacadda Iftin ayaa markii ugu horreysay hawada si ku-meel-gaar ah u soo gashay 10-kii July ee sanadkan si ay gacan uga geysato baahinta waxbarashada.

Xafladdan waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bahda waxbarashada dalka sida jaamacadaha, dalladaha waxbarashada, Ururka Qalinleyda Soomaaliyeed (Somali Pen), hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada, Kooxda Iftin iyo mas’uul sarsare oo ka socotay Wasaaradda Waxbarashada.

Ugu horreyntii waxaa xafladda laga soo jeediyay warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa Iftin Media iyo ujeeddooyinka loo aasaasay oo ay ugu waaweyn yihiin baahinta waxbarashada iyadoo loo adeegsanayo warbaahinta is-dhexgalka ardeyda iyo macallimiinta. Waxaa idaacadda iyo telefishinkaba ka bixi doona casharro faa'iido badan leh.

C/rashiid Dhaqane oo ka tirsan dalladda SAFE oo ku hadlayay magaca dallada ayaa sheegay in idaacaddani ay qeyb ka qaadan doonto baahinta waxbarashada dalka. Waxaa sidoo kale hadal kooban halkaasi ka jeediyay Inj. Cabdisalaan Caddow oo ah guddoomiye-ku-xigeenka jaamacadda banaadir isagoo ku hadlayay magaca jaamacadaha Soomaaliyeed.


Abwaan Cabdikariin Shire (Sandheere) oo ku hadlayay magaca kooxda Iftin ayaa isna sheegay inay diyaar u yihiin inay idaacadda ka qaataan kaalintooda sidii loo kobcin lahaa waxbarashada Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo suugaanta noocyadeeda kala duwan.

Ugu dambeyn; waxaa halkaas ka hadlay, mudane Ismaaciil Macallin Cabdullaahi oo ah agaasimaha waaxda dalladaha ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo ku hadlayay magaca wasaaradda waxbarashada, isagoo ballanqaaday in wasaaraddu hiil iyo hooba la garab taagan tahay Radio Iftin iyo telefishinka Iftin.

Waxbarashada gaarka loo leeyahay ayay korortay sanadihii ugu dambeeyay, taasoo laga dareemi karo tirada sii kordhaysa ee goobaha waxbarasho ee dalka laga furayo. Tusaale ahaan waxaa magaalada Muqdisho ka furan 20 jaamacadood, kuwaasoo badankood la aasaasay shantii sano ee ugu dambeysay.


Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibeddiisa waxay Iftin kala socon doonaan website-ka idaacadda oo ah www.radioiftin.com. Iyadoo dadka gudaha ku suganna ay kala socon doonaan idaacadda hawada iyo weliba Internet-ka.

Bishii May ee sanadkan waxaa magaalada Muqdisho laga sameeyay idaacad u gaar ah arrimaha isboortiga oo magaceeda la yiraahdo Gool FM (www.goolfm.net), taasoo dabooshay baahidii ay bahda isboortigu u qabtay idaacad iyaga u gaar ah.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya