4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Dowladda Uganda oo ku hanjabtay inay dib u eegayso howgalka ay kawaddo Soomaaliya kaddib eedeyn loo jeediyay
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay dib u eegis ku sameynayso howgallada nabad ilaaliyeed ee ay ka waddo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay taageerto jabahadad M23 ee ka dagaalanta bariga DR Congo.

Guddi ka socda Qaramada Midoobay oo baaritaanno sameeyay ayaa ku eedeeyay dalalka Uganda iyo Ruwanda inay taageeraan jabhadda ka dagaalanta DR Congo, iyadoo dowladda Uganda ay eedeyntan si caro leh uga jawaabtay.

"Uganda waxay hadda dib u eegi kartaa howgallada ay ka waddo Soomaaliya, halkaas oo ay naga joogaan ciidamada ugu badan ee ka socda Midowga Afrika," ayuu yiri wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda, Asuman Kiyingi oo la hadlay saxaafadda.

Warbixinta guddiga Qaramada Midoobay ee eedeynta loogu jeediyay Uganda iyo Ruwanda ayaa lagu sheegay inay hub siiyaan jabhadda M23, iyadoo dagaallada ka socda bariga DR Congo ay ku qasbeen inay guryahooda ka cararaan 500,000 oo qof.

"Eedeyntan waxay sumacad-xumo weyn ku keentay dalka iyo dadka Uganda, waxaana eedeyntan ay keeni kartaa inaan dib u eegno howgallada nabad ilaaliyeed ee Qaaradda Afrika oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya," ayuu u sheegay BBC-da wasiirka u hadlay dowladda Uganda.

Dowladda Uganda ayaa waxay ciidamadeedu ka howgalaan dalalka Soomaaliya iyo dalka Afrikada dhexe, halkaasoo ay u joogaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen nabad kusoo dabbaalidda dalalkan oo dagaallo sokeeye aafeeyeen.

Ciidamada AMISOM oo intooda badan ka socda dalka Uganda ayaa waxay gacan ku siiyaan dowladda Soomaaliya dagaallada lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo ah koox sannado badan gacanta ku haysay inta badan gobollada ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa qaraxyo aargudasho ah waxay bishii July ee sannadkii 2010 ka geysatay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kuwaasoo ay ku dishay in ka badan 70 qof oo shacab ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya