4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Iskahorimaad sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo kooxo burcad-badeed ah ku dhexmaray Gobolka Mudug
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Inta la ogyahay saddex burcadbadeed ah ayaa ku dhintay dagaal shalay kooxo burcadbadeed ah ku dhexmaray deegaanka Gawaan oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka oo ahaa mid culus lagu guuleystay in la joojiyo xalay saqdii dhexe, waxaana dadkii ku dhaawacmay qaarkood loo qaaday isbitaalka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

"Dagaalka waa la joojiyay waxaana socda dadaallo lagu doonayo in halkaas lagu ekeeyo," ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay, isagoo intaas ku daray dadka deegaankaas ku nool ay shalay kala firxadeen ayna saakay billaabeen inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Kooxahan burcadbadeedda ah ee uu dagaalku dhexmaray ayaa la sheegay inay isku qabteen dad ajnabi ah oo ay afduub ahaan u haystaan, iyadoo aan weli wax xal ah laga gaarin khilaafkii dhaliyay dagaalka.

Odayaal ka socda deegaannada ay kasoo kala jeedaan kooxahan burcadbadeedda ah oo kawada tirsan gobolka Mudug ayaa gaaray degmada Hobyo si ay xiisadda u hakiyaan, iyadoo tani aysan noqonayn markii ugu horreysay oo burcadbadeed ay ku dagaalamaan deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Maamulka Galmudug oo ka taliya deegaanka lagu dagaalamay ayaan ka hadlin iska-horimaadka dhexmaray kooxahan burcadbadeedda ah, iyadoo la xusuusto in dhowr toddobaad ka hor ay kooxo burcadbadeed ah ku weerareen deegaanno ka tirsan degmada Hobyo madaxweynaha Galmudug, Cabdi Qaybdiid iyo wafdi ajnabi ah oo la socday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya