4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay iskahorimaad u dhexeeyay Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sideed qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 12 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay oo Arbaco ahayd deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose.

Dadkan shacabka ah ee dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay la socdeen gaari kuwa rakaabka qaada ha oo ka yimid gobolka Bay kuna socday degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaabka ay dadkaas ku dhinteen.

"Gaariga wuxuu ku socday degmada Wanlaweyn, wuxuuna si kaddis ah kula soo kulmay dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmarayay deegaanka Leego, waxaana halkaas ku dhintay sideed qof oo uu ku jiro walaalkey," ayuu yiri Daahir Cumar Jimcaale oo ka mid ah dadkii tagay goobtii ay gaariga rasaasta ku qabsatay.

Daahir oo u warrramayay BBC-da ayaa sheegay in gaariga uu ku dhacay rasaasta taangiga, isagoo hadalkiisa ku daray in dadka dhintay uu ku jiray darawalkii waday gaariga iyo dadkii qaybta hore saarnaa, sidoo kalena uu arkay dhaawaca dad ka badan 12-qof.

Balse guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada hoose, Cabdifataax Cabdulle Yuusuf oo isaguna la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in gaariga ay ku dhacday rasaasta qoriga Zuuga loo yaqaan, isagoo iska fogeeyay in ciidamadooda iyo kuwa AMISOM ay ka dambeeyeen dilka dadkaas shacabka ah.

"Goobta ay gaarigu rasaasta ku haleeshay waa bartamaha halka uu dagaalku ka socday, aniguna waxaan ku sugnaa halkaas, waxaana ku dhacay rasaasta qoriga Zuuga loo yaqaan," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Shabeellada Hoose.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dad shacab ah uu khasaare sidan oo kale ah uu kasoo gaaro goobo lagu dagaalamayo oo ay si lama filaan ah ugu soo dhaceen, basle dhowr jeer oo hore ayay tanoo kale dhacday.

Lama oga khasaaraha labadii dhinac ee dagaalmaya kasoo gaaray dagaalkii shalay dhexmaray, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Leego oo ah deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada hoose oo xuduud la leh gobolka Bay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay dadaal xooggan ugu jiraan inay furaan jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo si ay ciidamada AMISOM ay dhulka u maraan deegaannada ay doonayaan, balse Al-shabaab ay iyaduna dadaal ugu jirta inay difaacato deegaannada ay gobolka Bay uga sugan tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya