4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2012
Wasiirradda Maaliyadda iyo Kalluumaysiga iyo Taliyaha Xeebaha oo ka warbixiyey safar shaqo oo ay ku tageen gobolladda Bariga Somaliland


Arbaco, October, 24, 2012 (HOL)- wasiiradda wasaaradaha Kalluumaysiga, wasiirka Maaliyadda iyo Taliyaha Xeebaha Somaliland oo safar shaqo ku gaallaa bixiyey gobolladda bariga Somaliland, ayaa ka warbixiyey ujeedadda safarkooda, kuwaas oo sheegay inay wadeen dakhli ururin balaadhan iyo horumarinta deegaanaddaasi sidii wax loola qaban lahaa.

 

 Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Cismaan Geeljire, ayaa sheegay magaalooyinkaasi ay mareen iyo tuulooyinka ku dherernaa ay dhibaato ka haysato adeegii bulshadda, kuwaas oo loo baahan yahay in laga caawiyo, waxa kale oo uu xusay in mudadii toddobadda cisho ahaa ee ay gobolada Saaxil, Togdheer, Sool iyo sanaag ay mariyeen ay bulshadad ku dhaqan kulamo la yeesheen, isla markana warbixino kala qaateen.

 

Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, ayaa isna sheegay deegaanadaasi ay mareen ay iskugu jireen barwaaqo iyo abaaarba, isla markaana gobolka Sanaag loo baahan yahay sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadkiisa,maadaama oo gobolkaasi isku darsaday baddii iyo barrigii, isla markaana gobol barwaaqo yahay.

 


Wasiirku waxa kale, oo uu sheegay in ku tallogalkii dakhliga laga filayey gobolada Bariga mid ka badan oo aanay filayn ka soo xarootay, kaas oo sanadaha dambe lagu darsan doono qorshayaasha dakhli ururinta ee dalka. Waxaanu sheegay guud ahaan dalka oo dhan inuu kordhay ku tallogalkii dakhliga laga rabay wax ka badan soo baxay, taas oo uu sheegay inuu ilaahay u fududeeyey, isla markaana goobihii kastamada ee ay marayeen dakhli korodh badan ku arkayeen.

 

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in sayladda xoolaha ee magaaladda Burco ay ku arkeen boqol kun oo neef oo xoollo ah oo laga iibsanayo, kaas oo saylada ka dhigtay mid camiran, iyadoo intii ay jidka marayeen ay jidka ku dhaafayeen gaadiid faro badan oo xoolo uun sida una socda Berbera.

 

“waxa ay  safarkayaga ay ujeedadiisu ahayd inaanu ogaano xaqiiqada dhabta ah ee deeganadaasi ka jirta khayraadka yaala sidii looga faa’iidaysan karo iyo baahida halkaasi jirta waxa aynu ka qaban karno, sida dakhliga dalku kor ugu kici lahaa nolosha dadkaana aanu u ogaan lahayn, waxaanu soo aragnay deegaano iyo xeebo u baahan in wax laga yagleelo, kuwaasi oo dad yari ay degan yihiin khayraad badana leh”ayuu yidhi wasiirka Maaliyadda Mr:Samaale.

 


Taliyaha Ciidamadda ilaaladda Xeebaha Somaliland Axmed Sh. Cismaan ayaa sheegay in ciidanka ilaalinta xeebaha ay mar walba heegan ku jiraan, isla markaana ay ka hawlgalaan xeeb aad u balaadhan oo loo baahan yahay in mar walba la foojignaaddo, waxaanu sheegay in dhamaan xeebaha oo dhan ay ka hawlgalaan, isla markaana hawl aad u culus hayaan, kuwaas oo inta badan gaadh ka haya doonyaha sharci darada ah ee xeebaha Somaliland ka kalluumaysta iyo budhcad badeedda.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland