4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2012
Dab qabsaday kaydka Warshadda korontada ama Laydhka ee Magaalada Berbera oo lagu guulaystay in la bakhtiiyo

Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Taangiga Kaydka shiidaalka warshadda Laydhka ee magaaladda Berbera, ayaa saaka dab aan la garan waxa dhaliyey ka kacay, kaas oo hawada isku shareeray ololka iyo qiiqa, muddo ka dibna lagu guulaystay in la bakhtiiyo dabkaasi.

Dabka qabsaday kaydkii shiidaalka warshada Laydhka Berbera, ayaa ahaa mid aad u weynaa, nasiib wanaag gurmad badan oo ay heleen ku bakhtiiyeen dabkaasi, waxaana markii dambe usoo gurmaday dab damiska Haamaha iyo dekadda Berbera oo halkii hoose dabku ka soo kacayey guulaystay inay bakhtiyaan, haseyeeshee dabkaasi waxa uu khasaare balaadhan u gaystay warshaddiilaydhka iyo kaydkii shiidaalkaba.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil iyo maayarka magaaladda Berbera, ayaa dadweynihii ka qaybqaatay bakhtiinta iyo booyadihii shacabka ee biyaha ku caawiyeyba u mahadnaqay, iyagoo si wada jir ah u sheegay in dhamaan dadweynaha reer Berbera si xoogleh uga qaybqaateen bakhtiinta dambaasi.

Ilaa hadda lama sheegin waxa uu dabku ka dhashay, balse waxa la arkay uun ololka iyo qiiqa dabka ka dhashay oo hawada isku shareeray, kaas oo intii ka ag dhowayd gurmad degdeg ah u fidiyeen, waxaana dhibaato ka soo gaadhay uumigii dabkaasi iyo ololkiisa ilaa shan qof oo lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee magaaladda Berbera oo ka mid ahaa dadkii bakhtiinayey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland