6/28/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2012
Madaxweyne Xasan Shiikh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo wafdi uu hoggaaminayay
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho kulan saacado baadan qaatay kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, Giulio Terzi.


Kulanka madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda oo ahaa mid albaabbadu u xirnaayeen ayaa markii uu lasoo gabgabeeyay kaddib waxay si wadajir ah ula hadleen saxaafadda, iyadoo madaxweynuhu uu sheegay in booqashadan ay billow u tahay xoojinta xiriirka u dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya.

"Maanta waxaa Muqdisho noogu yimid wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaanga iyo wafdi uu hoggaaminayo, booqashadaanna waxay calaamad iyo billow u tahay xoojinta xiriirka caalamiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, kaasoo aan rajeynayno inuu dib u billowdo kaddib markii laga baxay xilligii KMG ahaa," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Talyaaniga iyo Soomaaliya ay horay u lahaayeen xiriir wanaagsan oo ay ka mid tahay caawinta uu talyaanigu caawinayo shacabka Soomaaliyeed, taasoo uu xusay inay sii socon doonto.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Muqdisho, isagoo xusay inuu madaxweynaha kala hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga ka dhexeeya.

"Madaxweynaha waxaan u sheegnay inaan ku faraxsannahay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya gaartay, waxaana kula talinay dowladda inay xoojiso horumarkaas, anigoo ku hadlaya afka dowladda Talyaanigana ay naga go'an tahay inaan taageero u fidinno Soomaaliya," ayuu yiri Terzi.

Wafdigan ayaa waxay noqonayaan kii ugu ballaarnaa ee dowladda Talyaaniga ay u soo dirto Soomaaliya Xasan Sheekh tan iyo markii xilka la doortay Soomaaliya bishii lasoo dhaafay ee September.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay intii wafdiga ka socda dalka Talyaaniga ay ku sugnaayeen caasimadda iyadoo si gaar ah loo adkeeyay amniga jidka isku xira garoonka iyo madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa isla maanta kulan kale kula yeeshay xarunta madaxtooyada wafdi ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, balse ma jirto wax faahfaahin ah oo saxaafadda laga siiyay wixii kulankaas kasoo baxay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/23/2012 10:36 AM EST
Talaado, October, 23, 2012 (HOL)- Shirkadda Agabka guryaha iyo xafiisyadda ee AL-NUUR, ayaa 480 caruurta agoomaha ah ee ku jira xarunta agoomaha ee magaaladda Hargeysa ugu deeqay dharkii iyo kabihii ay ku ciiddi lahaayeen, iyadoo sanad kasta iska xil saartay inay labadda Ciidood ee islaamka kafaalo qaado ka farxinta caruurtaasi iyo guud ahaan agabkii ay ku ciyaari lahaayeen.

10/23/2012 8:51 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee Puntland oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta oo Talaado ah xukun dil toogasho ah ku ridday nin u dhashay dalka Yemen oo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu hub sharci-darro ah kasoo dajiyay deegaan ka tirsan gobolka Bari.

10/23/2012 8:12 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Dagaal culus ayaa ciidamada dowlada Somalia iyo xoogag taabacsan Al-shabaab ku dhexmaray maanta duleedka degmada Baydhabo ee xaruta gobolka Bay, kaasoo ay ku dhinteen inta la ogyahay shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay.

10/23/2012 7:11 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Hoggaanka dambi-baarista booliiska Somalia ayaa maanta kusoo bandhigay Muqdisho laba wiil iyo gabar la sheegay inay ka mid ahaayeen Al-shabaab, iyadoo labada wiil la sheegay inay dilal ka geysteen Muqdisho iyo Baydhabo.

10/23/2012 3:58 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) —Dagaallo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic ayaa ka dhacay wadada isku xirta degmada Badhaadhe iyo Deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada hoose.

10/23/2012 3:32 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay in afar ka mid ah ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM lagu dilay dagaal Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo 100-km dhinaca galbeed kaga beegan Muqdisho.

10/23/2012 3:19 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay qaraxyo ka geysanayso dalka Britain, kuwaasoo ay sheegeen inay jawaab u noqonayaan dagaalka ay kula jirto Islaamka iyo gacan gelintii ay u gacan-gelisay Abuu-Xamsa dowladda Mareykanka.