4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2012
Xarakada Al-shabaab ee Somalia oo markii ugu horreysay ku hanjabtay inay Qaraxyo ka geysan doono Dalka Britain

Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay qaraxyo ka geysanayso dalka Britain, kuwaasoo ay sheegeen inay jawaab u noqonayaan dagaalka ay kula jirto Islaamka iyo gacan gelintii ay u gacan-gelisay Abuu-Xamsa dowladda Mareykanka.

Warbixintan oo lagu daabacay bogga ay Al-shabaab ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay inay qaraxyo halis ah ka geysan doonaan dalka Britain, inkastoo aysan jirin magaalo ay si gaar ah u cayimeen inay bartilmaameed ka dhiganayaan.

"Dalka Britain waxaan ka geysan doonaa qaraxyo la mid ah kuwii ka dhacay 07-07-2005," ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab ku hanjabto inay qaraxyo ka geysanayso meelo ka baxsan Soomaaliya.

Magaalada Lonon ayaa waxaa 07 July, 2005 ka dhacay qaraxyo waaweyn oo ay ku dhinteen 52-qof, kuwaasoo ka dhacay goobo ay ka mid yihiin goobaha basaska laga raaco iyo jidadka ay tareennadu maraan ee dhulka hoostiisa ku yaalla.

"Britain waxay qayb weyn ku leedahay dagaalka looga horjeedo Islaamka. Waxayna dhibaatooyin u geysatay dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan," ayaa lagu yiri wrabixinta ay Al-shabaab soo dhigtay boggooda Twitter-ka.

Hanjabaaddan ay soo saartay Al-shabaab ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dowladda Britain ay saddex ka mid ah muslimiinta dalkaas u xirxirtay inay wadeen qorshe ay ku doonayaan inay qaraxyo la mid ah kuwii dhacay bishii July 2005 ay ka geysan rabeen London.

Al-shabaab ayaa waxay dagaal kula jirtaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga AMISOM oo tiradoodu gaarayso 17,000 kuwaasoo ka socda dalal dhowr ah oo ay ku jirto dowladda Jabuuti, waxaana Al-shabaab ay tan iyo sannadkii hore luminaysay dhul ay awood badan ku lahayd oo ay ka mid tahay Kismaayo.

Kooxdan oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa waxay horay u sheegatay qaraxyo ka dhacay sannadkii 2010 magaalada Kampala ee dalka Uganda, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 70-qof oo u badnaa dad ciyaaro daawanayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya