4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2012
60 Dhakhtar oo loo kala diray gobollada Puntland si ay xoolaha uga soo tallaalaan cudurka Sambabka [SAWIRRO]


Isniin, October 22, 2012(HOL): Xarunta wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland ee Garoowe waxaa maanta ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu sagootinayey dhakhaatiir loo kala diray gobolada, si ay xoolaha uga soo talaalaan cudurka sanbabka.

 

Waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo uu kamid ahaa wasiirka xanaada xoolaha Siciid Xasan Shire.

 

Wasiirka xanaanada oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey ololahan iyo ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay, wuxuuna sheegay in uu yahay mid cudurka (Sambabka) oo kamid ah cudurada dilaaga ah xoolaha Puntland looga talaalayo.

 


Mudane Siciid ayaa intaas raaciyey in ololahan ay ka qayb qaadanayaan 60 dhakhaatiirta xoolaha ah, kuwaas oo tegi doona dhamaan gobolada, iyadoo mudada uu soconaya ay tahay 20 beri.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo isagu munaasabadan soo xiray ayaa sheegay, in ay wax lagu farxo tahay in xoolaha Puntland caafimaadkooda kor loo qaado.

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay dhakhaatiirta in aysan ku ekaan goobaha miyiga ah ee laamiga hareerihiisa ah, balse ay tagaan dhamaan dhul-daaqsimeedyada oo dhan.

 

Ololahan ayaa ah kii labaad ee muddo sanad gudihiis ah laga fuliyo Puntland, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli ay bishan dekedda magaalada Boosaaso ka dhoofeen xoolo aad u tira badan.



 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya