4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 22, 2012
Hoos u Dhac ku Yimid Weerarradii ay Fulin Jireen Kooxaha Burcad Badeedda

Isniin, Oktoobar 22, 2012 (HOL) -Hay’adda badmaaxayaasha Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMB ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in uu hoos udhac baahsan ku yimid weerarradii ay fulin jireen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Hay’adda ayaa ugu baaqday Maraakiibta isticmaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas in aysan is dhigan islamarkaasina ay aad uga foojignaadaan weerarro kaga yimaadan kooxaha burcad badeedda.

Kooxaha burcad badeedda ayaa la sheegay in sanadkan ay afduubteen 24 Markab iyo 448 Badmaaxi sidoo kale ay dileen ilaa lix qof oo ka shaqeyn jirtay Maraakiibtaasi.

Burcad badeedda ayaa sidoo kale la sheegay in ay weerareen ilaa 125 Markab oo 58 kamid ah ay ku guuldareysteen in ay afduubaan.

Hoos u dhaca ku yimid weerarrada ay fulin jireen kooxaha burcad badeedda ayaa la sheegay in ay ka danbeeysay kadib markii ay bateen weerarrada ka dhanka ah kooxdaasi ee ay fuliyaan Maraakiibta la dagaalanka burcad badeedda.

Hoos u dhaca ku yimid weerarrada burcad badeedda ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli jiraan Maraakiib iyo rakaab u afduuban kooxaha burcad badeedda kuwaasoo ay ku doonayaan lacago madaxfurasho ah.

Xasan Nuur
Hiiraan Online
Kismayo, Somalia
[email protected]