4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo xarigga ka jaray mashaariic ballaaran oo laga hirgeliyey magaaladda Berbera (SAWIRRO)


Axad, October, 21, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa maanta Xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey magaaladda Berbera ee gobolka Saaxiil.

 

Madaxweynaha oo saaka u anbaxay Berbera si uu mashaariicdaasi kala duwan xadhiga uga jari lahaa, ayaa socdaalkiisa waxa la socday Wasiirada Madaxtooyada,Arrimaha Gudaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wershadaha,Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu xadhiga ka jaray Waddo Laami ah oo isku xidhaysa Madaarka, Magaalada Berbera iyo Garoonka kubadda cagta, waxa kale oo uu  xadhiga ka jaray Waddo Afar haad ah oo  dhererkeedu dhan yahay Afar Kilo Mitir oo Maamulka Dekeda berbera hirgaliyay, isla markaana ay ugu talo galeen inay maraan Gaadiidka Xamuulka ka qaada Dekedda.

 

Intaas ka dib waxa  uu Madaxweynuhu waxa uu ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu furayay Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Berbera oo si casriya loo dhisay, isla markaana ay hirgalisay dawlada hoose ee magaaladda Berbera.

 

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cali Saleebaan Ramaax, Duqa Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Cali, ayaa ka waramay marxaladihii uu soo maray dhismaha Garoonkani, iyo sida ay ugu faraxsan yihiin dhamaystirkiisa.

 


Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa iyaguna tilmaamay in mashaariicda uu maamulka gobolka Saaxil hirgaliyey yahay mid lagu daydo, isla markaana halkaasi ku amaanay.

 

Ugu dambayntii waxa soo xidhay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, waxaanu halkaasi mahadnaq balaadhan uga soo jeediyey maamulka gobolka Saaxil xilkii uu iska saaray dhamaystirka mashaariicdan lagu horumirnayo gobolkoodda.

Intaas ka dib waxa uu madaxweynuhu Shahaado sharaf lagu maamusayo hawshan balaaadhan ee ay qabteen gudoonsiiyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil,Duqa Degmada Berbera,Maareeyaha Dekeda Berbera, iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Berbera.

 


Dhinaca kale, Weftiga Madaxweynaha marka uu u soo socday Berbera waxay kula kulmeen Jidka isku Xidha Hargeysa  iyo Berbera gaadhi ku qalibmay oo siday Xoolo laga dhoofinayay dekeda magaalada berbera,iyadoo ciidamada amaanka ee Madaxweynaha la socday ay qaadeen Laba ruux oo shilka gaadhigaasi ku dhaawacmay,kuwaas oo lagu soo dawaynayo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Berbera.













 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland