4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Aqoon isweydaarsi lagaga arrin sanayey horumar gaarsiinta Mandera oo ka dhacey Magaalada Nairobi

Axad, Oktoobar 21, 2012 (HOL) - Magaalada Nairobi waxaa ka qabsoomay shir ay soo qaban qaabiyeen Youth Forum Mandera, kaasoo looga hadlayey sida dhalin yarada ay qeyb uga noqon karaan horumarka ka socda Deegaanka Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkan Kenya.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimid ardeyda jaamacadaha iyo siyaasiyiin kasocotey county-ga Mandera, halkaasoo ay isku weydaarsadeen su'aalo fara badan oo la xiriira maamulkaasi.

Waxaa shirka qeyb ka ahaa musharax u tartamaya governer-ka Mandera County Abdulkadir Aden Abdulle "Chito", isagoo u balan qaadey haddii uu guuleysto sida caadada ah in dhibaatooyin fara badan oo jira uu wax ka qaban doono.

Ardeydii ka qeyb gashey aqoon isweydaarsiga ayaa waxey weeydiiyeen siyaasiyiintii kasocotey Mandera County-ga su'aalo ad adddag, waxey si weyn ugga careysnaayeen balan qaadyada madaxta, oo inta badan aan wax laga qaban.

Waxaa lagu balamay in la isugu yimaado aqoon is weydaarsiyo midkan lamid ah, si arrimo badanoo kale la iskula lafa guro.
Hanaanka maamul hoos u daadajinta ayaa dhawaan lagu wadaa in dalkan Kenya laga hirgaliyo, kuwaasoo gaaraya 47 county.

Gobolka Waqooyi bari oo dhanka horumarka dalka uggu liita waxaa uu ku leeyahay county-yadan saddex , taasi oo dadka u saamixi doonta u dhowaanshaha maamulka, iyo gaaridda horumar baaxad weyn leh oo ayan waagii hore heysan.

Ololaha u tartamidda jagooyinka kala duwan ee Kenya ayaa haatan waxa uu ku socdaa si dardar leh, siyaasiyiintuna midba taagtiisa inta ay la'eg tahay ayuu xusul duub uggu jiraa.

Dalkan Kenya ayaa lagu wadaa inay doorashada madaxtinimo qeybaheeda kala duwan ka dhacdo bisha March ee sanadka foodda inagu soo haya, taasoo dad badan niyad sami ay ka muujinayaan in doorashada ay ku dhici doonto si xaq iyo xalaal ah, amnina uu ku dheehan yahay.

Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.
E-Mail: - [email protected]