4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo sheegay in ay Muqdisho iyo Gobollada dalka isku furi doonaan

Axad, October, 21, 2012 (HOL)-Abaanbuulaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya Jen. Cabdikariin Yuusuf Dhego-badan ayaa shaaciyay howlgallo baaxad leh oo ay qorsheynayaan in ay dhawaan sameeyaan, kuwaasi oo ay ku doonayaan in ay Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka isku xiraan.

 

Jen. Dhego-badan waxaa uu sheegay in howlgallada ay sameynayaan ay yihiin kuwo amniga lagu hagaajinayo, sidoo kalena gobollada dalka iyo gobolka Banaadir ay isku xiri doonaan, “Waxaan dooneynaa in aan isku furno waddooyinka isku xira Baydhabo iyo Muqdisho, Kismaayo iyo Muqdisho iyo Beledweyne iyo Muqdisho, mana ahan mid aan qarineyno”ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

 

Jen. Dhego-badan oo wax laga weydiiyay in meelihii ay horay u qabsadeen oo ay Magaalada Marka ka mid tahay in ay dadka magaalada ka cabanayaan ciidamada, wuxuuna sheegay in aysan arrintaas jirin, haddii ay dhacdana ay sharciga horkeeni doonaan qofkii dhibaato u geysta shacabka.

 

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay kaalmeynayaan kuwa Amisom oo muddo sanado ah ku sugnaa Muqudisho iyo daafaheeda ayaa hadda waxay gaareen degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo sida abaanduuluhu sheegayna  ay u sii dhaqaaqi doonaan gobollada Bay, Hiiraan iyo Jubbooyinka.

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya