4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Magaalada Kismaayo oo xalay bandow ku jirtay iyo baaritaanno saaka ka billowday qaar ka tirsan Xaafadaha Magaalada

Axad, October 21, 2012(HOL): Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ayaa xalay kusoo rogay magaalada Kismaayo  Bandow, iyadoona dadka lagu wargeliyay dadka in ay guryahooda ku sugnaadaan saacadaha uu bandowga jiro.

 

Gaadiid ay ku xiran yihiin cod-baahiyayaal  ayaa loogu sheegay shacabka reer Kismaayo in wixii ka dambeeya salaadda Maqrib ay ku sugnaadaan guryahooda  isla markaasina ciddii jabisa ammarkaasi waxaa loogu hanjabay in laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

 

Bandowga ayaa ka billowday abaare 6:30 maqribnimo, wuxuuna ku ekaa ilaa waaga ka baryay, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay sheegeen in bandowgani ay uga dan leeyihiin xaqiijinta ammaanka magaalada Kismaayo oo maalmihii u danbeeyay faraha kasii baxayay.

 

Dhinaca kale howlgallo baaritaanno ah ayaa saaka ka billowday qaar katirsan xaafadaha magaalada Kismaayo, waxaana ciidamada howlgalladani fulinaya ay guri guri u galayaan xaafadaha ay ka bilaabeen howlgalka.

 

“Howlgallada waxay ka socdaan Xaafadaha Faanoole iyo Farjanno, waxaana labadaasi xaafad lagu soo daadiyay ciidamo tiro badan,” sidaa waxa yiri goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo HOL u waramay isagoo ka gaabsaday in magaciisa la xigto.

 

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa maalmihii u dambeeyay u muuqanayay mid faraha kasii baxayay kadib markii habeenno is xigxiga lagu laayay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]

Kismaayo, Soomaaliya