4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Xildhibaanka laga soo doorto Xaafadda Kamukunji oo markale u ordaya isla xilkaasi in uu ku guulaysto.


Axad, October 21, 2012(HOL): Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo ah xildhibaan Soomaaliyeed oo laga soo doortay xaafada Kama Kunji ee magaalada Nairobi ayaa waxaa uu maalmihii la soo dhaafay socdaal ku marayay gobollada Soomaalidu dagto ee dalka Maraykanka, waxa uuna xildhibaanku la hadlay jaaliyadaha Soomaalida oo uu ka codsanayay in ay ka garabsiiyaan dadaalka uu ugu jiro sidii uu markale u guulaysan lahaa.

 

Jaaliyadda Columbus Ohio ayuu xalay kulan qurux badan la qaatay waxa uuna u sharaxay hadafkiisa iyo ujeedooyinka uu ka leeyahay in uu markale isa soo sharaxo, isaga oo si weyn uga warbixiyay waxqabadkiisii mudada kooban ahaa, iyo sida loogu bahanyahay in ay Soomaalida Nairobi helaan shaqsi matala isla markaana wax ka qabta baahida jirta.

 

"Waxa aan ka hortagay hanti si ciyaar ah loo bur burin lahaa oo ay Soomaaida Islii leedahay, Waxan wax ka badalay dhismayaashii wadooyinka, waxa aana xaafada u yeelay Koronto maalin iyo habayn ah, waxan la hadlay Barlamanka inkabadan 120 jeer aniga oo kala hadlaya arimaha Soomaalida iyo waxyeelada loo gaysto sidii loo joojin lahaa, iyo Howlo kale oo badan oo dhamaan noqday wax ku ool loo aayay" sdaa waxa yiri Xildhibaanka oo dhanka kale sharaxay Tariikh Nololedkiisii.

 


Xildhibaan Yusuf ayaa Soomaalida Ohio u sheegay in iyaga aysan cod siin karin balse uu ka doonayo Taageero dhaqaale, iyo mid xariir oo ay la sameeyaan qoysaskooda Kenya ku nool si loola shaqeeyo codkoodana ay u siiyaan.

 

Jaaliyadda ayaa ku qanacaday soo jeedintaxildhibaanka oo u sheegay Jaaliyada hadii uu wax qabadkiisu noqon waayo mid muuqda in uu iska casili doono masuuliyada la saaray.

 

Aqoonyahan iyo waxgarad badan oo goobta ka hadlay ayaa ku taageeray hadafkiisa balana qaaday in ay garabsiinayaan, iyaga oo kula dar daarmay in uu cadaalada ku taagnaado, soomaalidana u noqdo Sawir ay taariikhdooda ku soo xasustaan.

 

Gabayo amaan ah ayay abwaano Soomaaliyeed u soo jeediyeen iyaga oo ku bogaadiyay in uu sii xoojiyo dadaalkiisa.

 


Waa markii labaad ee uu xildhibaanku yimaado Columbus sanadkan gudihiisa  isaga oo Horay usoo gaaray markay taariikhdu ahayd.January 10, 2012 xiligaas oo uu Soomaalida ugu yimid in uu uga mahad celiyo taageeradii ay horya u siiyeen.






 

Deeqo Shire (SONNA)

[email protected]

Columbus-Ohio