4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Madaxweynaha Somalia oo Warqadihii Safiirnimo ka guddoomay Dajiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya

Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadihii safiirnimo ka guddoomay danjiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya, Michele Cervone d'Urso; kaddib booqasho uu maanta ku yimid Muqdisho.

Dajirahan Midowga Yurub ay u soo magacaabeen Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay u soo magacaabaan Soomaaliya 21-sano kaddib, iyadoo Midowga Yurub ay dhawaan sheegeen inay wax ka bedelayaa qaabkii ay Soomaaliya kula shaqeyn jireen.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo danjire d'Urso ayaa waxay kulan muddo socday ku yeesheen madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo ay kaga hadleen xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyagoo isla gartay in xiriirkaas la adeeyo.

Cabdullaahi Xaaji oo ah sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynuhu uu maanta ka guddoomay warqadihii aqoonsiga dajiraha cusub ee Midowga Yurub, isagoo ku sheegay hadalkiisa in tani ay dhabbaha u xaarayso xiriirka cusub ee Midowga Yurub iyo Soomaaliya.

Intaa kaddib waxaa saxaafadda la hadlay danjire d'Urso oo hoosta ka xariiqay inuu ku faraxsan yahay in loo magacaabo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya kaddib muddo 20-sano ah oo Soomaaliya ay ka jireen qalalaase iyo colaado, sidoo kalena uu ku faraxsan yahay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka guddoomo warqadihiisii aqoonsiga danjirenimo.

Danjiraha oo laba jeer oo hore Muqdisho yimid ayaan sheegay in xaaladda Muqdisho ay aad uga duwan tahay sidii ay ahayd wixii ka horreeyay sannadkan, balse ma uusan sheegin inuu ku shaqeyn doono Muqdisho iyo in kale.

Tan iyo dhammaadkii sannadkii hore, markaasoo ay xoogaggii Al-shabaab isaga baxeen inta badan degmooyinka Muqdisho oo ay ka taliyeen ayaa waxay dalalka caalamku sheegayeen inay safaaradahooda dib uga furayaan Muqdisho, inkastoo ay si rasmi ah uga furteen dalal kooban oo ay ku jirto Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya