4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Taliska Ciidamada AMISOM oo shaaciyay inay ciidamadooda kala baxayaan Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka baxaan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium, kaddib markii xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ay ka dalbadeen inay isaga baxaan garoonka si bisha Diseember ee sannadan ay uga billowdaan ciyaaraha kubada cagta.

Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho oo ah midka ugu weyn ayaa wuxuu tan iyo sannadkii 1991-kii ahaa saldhigyo ciidan, isagoo saldhigyo u soo noqday ciidamadii UNOSOM ee Qaramada Midoobay, Maxkamadihii Islaamka, Ciidamadii Itoobiya, Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM oo uu hadda saldhig u yahay.
 
"Codsiga xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waa mid ku saleysan dib u dhis, waana aqbalaynaa, waayo waxaa la joogaa xilligii dib loo soo nooleyn lahaa ciyaaraha dhallinyarada," ayuu yiri afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo la hadlay BBC-da isagoo ku sugan Muqdisho.

Afhayeenku wuxuu sheegay in tallaabadan lagu dalbanayo in laga baxo garoonka kubada cagta ay caddeyn u tahay in ammaanka magaalada Muqdisho uu noqday mid wanaagsan, taasina ay keentay inay ogolaadaan inay aqbalaan ka bixitaanka garoonka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa 2011 ka qabsaday inta badan Muqdisho oo uu ku jiro garoonka kubadda cagta Xarakada Al-shabaab, waxaana garoonka uu xilligaas ahaa saldhig ay ka duulaan xoogaggii Al-shabaab.

"AMISOM waxay ku qaadanaysaa inay kaga baxaan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho illaa bisha Diseember ee sannadkan," ayuu yiri afhayeenka AMISOM oo sheegay inay jiraan arrimo farsano oo ay isugu diyaarinayaan inay garoonka ka baxaan.

Inkastoo taliska ciidamada Midowga Afrika ay ogolaadeen inay garoonka ka baxaan ayaa haddana waxaa dhaca weerarro ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan jidka warshadaha lagu soo qaado, kuwaasoo sababa khasaare nafeed oo kala duwan.

Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho oo ku yaalla jidka warshadaha ayaa wuxuu ka mid ahaa mashaariicdii ay dowladda Shiinaha ka hirgelisay Soomaaliya sannadihii toddobaatameedyadii, isagoo aan wax dayactir ah helin tan iyo markii la dhisay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya