4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Maamul u sameynta Gobollada dalka ay ku xiran tahay Rabitaanka Shacabka
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo khadka taleefoonka kula hadlayay Soomaalida ku nool dalka Sweden ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin maamul u sameynta gobollada dalka iyo howlaha ay xukuumaddiisu qabanayso 100 maalmood ee ugu horreysa.


Mudane Shirdoon ayaa sheegay in maamul u sameynta gobollada dalka ay ku xiran tahay hadba sida ay shacabku doonayaan, isagoo xusay inaysan dhacayn inay kor geeyaan dadka gobollada ku nool maamul, balse ay raacayaan hadba sida ay dadku u doonayaan cidda maamulaysa.

"Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay taageerto ciddii ay shacabka ku nool gobollada dalka doonayaan inay maamusho, balse ma dhici doonto in maamul aanay ralli ka ahayn dadka loo sameeyo gobollada," ayuu yiri Cabdi Saacid.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saarayso 100 maalmood ee ugu horreysa sugidda ammaanka, dib u dhiska iyo soo celinta kaabasyaasha dhaqaalaha dalka.

"Xukuumaddeydu waxay noqon doontaa mid yar oo tayo wanaagsan, waxaana 100 -ka maalmood ee ugu horreeya ay xoogga saari doontaa sugidda ammaanka oo ah mid muhiimad weyn aan siinayno, dib u dhiska iyo soo celinta kaabayaasha bulshada," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ka dalbaday jaaliyadaha Soomaaliyada ee ku sugan dalka dibaddiisa inay kaalin mug leh ka qaataan caawinta dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan inay afarta sano ee soo socota ay dalka gaarsiiyaan horumar ka ballaaran midda hadda jira.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa laba casho ka hor codka kalsoonida ka helay baarlaamanka Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu isla maalintii xigtay la wareegay xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya, iyadoo laga sugayo inuu xukuumad soo dhiso si kalsoonida loogu weydiiyo baarlamaanka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa muddo 21-sano ka jiray colaado iyo rabshado uu dhiig badan ku daatay, sidoo kale waxaa dhulka lala simay dhammaan kaabayaashii bulshada sida iskuulladii waxbarashada iyo isbitaalladii iyadoo dowladdan oo ah mid joogto ah oo ay Soomaaliya yeelato tan iyo 1991-kii markaasoo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya laga sugayo inay hormarka dalka ka shaqeyso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya