4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2012
Qarax ka Dhacay Kismaayo iyo Ciidamada Huwanta ah oo Saldhigyo ka Sameystay Gudsha iyo Daafaha Magaalada

Talaado, October 02, 2012(HOL): Ciidamada dowladda KMG, kuwa raaskaamboni iyo Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay magaalada Kismaayo,  iyadoona ay ciidamadu fariisimo ka sameysteen saldhigga dhexe ee magaalada, Dekedda, garoonka diyaaradaha iyo weliba daafaha magaalada.

 

Ciidamada ayaa marki ay soo galeen Kismaayo waxa ay baaritaanno ku bilaabeen xarumihii ciidan ee ay daganaan jireen Al-shabaab, waxaana uu qarax xooggan ka dhacay guriga gobolka ee K2 oo ku yaal xaafadda Aargo ee magaalada Kismaayo.

 

“Qarax xooggan yaa ka dhacay iridda hore ee guriga gobolka, waxaana loo maleynayaa in ay ahayd miino meesha lagu aasay, cid wax ku noqotay ma jirto balse wuxuu burburiyay darbiga dhismaha,” sidaa waxa yiri goobjooge magaciisa qariyay oo ku sugnaa nawaaxiga goobta uu qaraxa ka dhacay.

 

Markii uu qaraxa ka dhacay guriga gobolka ayaa mar qura ciidamadu waxay rideen rasaas badan,  walow aysan jirin cid wax ku noqotay rasaastaasi.

 

Goobjoogahan oo aan weydiinnay sida uu jawiga magaalada yahay ayaa sheegay in xaaladdu ay weli kacsantahay, wuxuuna xusay in la maqlayo rasaas goos-goos ah oo ay ridayaan ciidamada huwanta ah ee soo galay magaalada.

 

Lawareegidda ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan ay magaalada isaga baxeen dagaalyahannada Al-shabaab oo mudo shan sano ah gacanta ku hayay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]

Kismaayo, Soomaaliya