4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2012
Madaxii hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Turkiga u qaabilsanaa Africa oo lagu dhaawacay inta u dhexeysa Gaalkacayo iyo Bacaadweyn

Talaado, Oktoobar 2, 2012 (HOL) - Waxaa maanta weerar gaadmo ah lagu qaaday wefdi isugu jirey xubno ka tirsan hay'adda dalka Turkiga u qaabilsan gargaarka dibadda (TIKA) iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska Puntland, xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmooyinka Gaalkacayo iyo Bacaadweyn.

Weerarkan oo dhacay abaare 9:00 galabnimo wakhtiga geeska Afrika, ayaa sida ay saraakiisha Boolisku sheegeen waxaa geystey koox mileeshiyo beeleed ah oo ka caraysan Isbaaro sharci darro ah oo ay goobta weerarku ka dhacay ku lahaayeen, taasoo ay isla maanta ciidamada Boolisku qaadeen.

Col. Muxiyadiin Axmed Muuse oo ah taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska ee Puntland, qaybna ka ahaa wefdigan, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkaas uu ku dhaawacmay sarkaalkii wefdiga Turkiga hogaaminayey islamarkaana ah madaxa TIKA ee Africa Mustafa Hashimi.

Wuxuuna intaas ku daray in dhaawaca Hashimi uu yahay mid fudud, iyadoo ay xabaddu kaga dhacday qaybta hoose ee lugta midigta ah. Taliye Muxiyadiin oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in sidoo kale uu weerarkan ku dhaawacmay mid kamid ah ilaaladiisa, iyadoo dhinaca kale dableyda weerarka soo qaadeyna uu hal nin ka dhintay, labana laga dhaawacay, sadex kalena gacanta lagu soo dhigay.

Dhaawaca Hashimi ayaa xiligan lagu dabiibayaa Isbitaalka (Dhega-cade) ee magaalada Gaalkacayo, waxayna qaar kamid ah howl wadeenada caafimaadka oo HOl la hadlay ay xaqiijiyeen in xaaladiisa caafimaad ay xiligan tahay mid aad u wanaagsan.

Wefdigan Turkiga ah oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Puntland, waxay hordhac u ahaayeen mashaariic horumarineed oo dhowr ah, kuwaasoo ay dowladda Turkigu horay u balan qaaday in ay Puntland ka fulin doonto.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia