Muqdisho oo uu ka socdo dib u dhis xoog leh, xilli Soomaaliya ay gashay marxalad cusub (SAWIRRO)
Talaado, October 02, 2012(HOL) - 16-kii
bishii aynu soo dhaafnay , waxaa awooda dalka si nabadgalyo ah ula kala
wareegay labo madaxweyne markii ugu horreysay muddo 43 sano ah, taasoo sare u
qaaday himilada ay Soomaalidu ka qabaan xasilooni buuxda oo dalku uu gaaro.
Magaalada
Muqdisho oo burbur culus ay gaarsiiyeen dagaallada dheeraa ee ka dhacay 20-kii
sano ee la soo dhaafay ayaa haatan u muuqata inay si tartiib ah uga soo
kabanayso dhanka dhismaha, iyadoo ay dalka ka bilowdeen, dhismayaal xoog leh oo
guryo aad u bilic qurxoon laga dhisayo caasimada.
Laga soo
bilaabo ayraboorka ilaa iyo xaafadaha magaalada waxaad arkaysaa isbadalka socda
oo laga dareemayo dhanka dhismayaasha in dalku uu galay marxalad cusub oo
dhanka horumarka ah.
Dhismaha
ugu badan waxaa wada dadka kasoo noqday qurbaha oo iyagu ah cududa dhaqaale ee
dalka.
C/qaadir
Axmed (Kamtiirey) oo ah agaasimaha waaxda qurbo joogta ee wasaarada arrimaha
dibadda ee Soomaaliya ayaa aaminsan in dib u dhiska dalka uu bilowday, balse
looga baahanyahay qurbo-joogta inay sameeyaan dadaal intaa ka badan. C/qaadir
Axmed (Kamtiirey), Agaasimaha waaxda qurbo-joogta
|
“Dib u
dhiska qurbo-joogtu waa mid qayb wayn ka qaadanaya , horumarka iyo xasilinta
dalka,balse dadaal intaa ka badan ayaa loo baahanyahay, burburka dalka gaaray
waa mid ballaaran oo aan maalin iyo labo looga soo kaban Karin” ayuu yiri
C/qaadir.
“Waxaan
dajinay mashruuc ballaaran oo lagula kulmayo qurbo-joogta ku nool dhammaan
wadamada aduunka, kaasoo looga qayb-galinayo dib u dhiska dalka” ayuu sii
raaciyay.
Marka
laga soo tago doorka qurbo-joogta Waxaa jira ganacsato aan ka bixin gudaha
dalka kuwaas oo iyaguna kaalin muuqata ka ciyaaraya hor-u-socodka dhaqaale ee
wadanka.
Suuqyada
magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoog leh oo dhanka
ganacsiga ah.
Waxayna ganacsatadu
kuu sheegayaan in marka la isku daro dhaqaalaha ay dalka soo galinayaan
qurbo-joogta iyo ganacsatada gudaha ay
sare u qaaday dakhliga fardiga ah ee dadweynaha, taasoo sii xoojinaysa
xasiloonada dalka.
Junayd
Ismaaciil Egale oo ah dhalinyarada qurbaha kasoo noqotay oo lasoo shaqeeyay
wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa aaminsan in dhismaha dalka ka
bilowday uu sii xoogaysan doono, hadii xukuumada soo socota ay la timaado
waxqabad muuqda. Junayd
Ismaaciil Egale oo ah dhalinyarada qurbaha kasoo noqotay
|
“Waa in
xukuumada cusub ee la dhisayo ay noqotaa mid tayo leh, taasi waxay dheeri galin
doontaa in Soomaalida iyo qurbo-joogtuba ay sii siyaadiyaan maalgashiga dalka”
ayuu yiri Junayd.
“Dadka
dibadu rajada ugu badan waxay ku xirayaan xukuumada soo socota sida ay u
shaqayso, waana midaas tan lagu kala ogaan doono halka ay dalku u jihaysanayo”
ayuu sii raaciyay Junayd.
Inkastoo
Soomaaliya ay soo martay wakhti dheer oo aad u adkaa, waxaa la rumaysanyahay in
dadka Soomaalida ah ay awood aan qarsoonayn u leeyihiin dhanka ganacsiga,
taasoo qayb wayn ka qaadan doonta dhismaha iyo soo celinta bilicdii Muqdisho, waase
haddii ay dawladu qaado tallaabooyin ay ku adkaynayso ammaanka dalka.
Axmed C/samad,Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya