4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Raaskambooni oo si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Kismaayo

Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka, Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya ee AMISOM iyo xoogagga Raaskambooni ay si rasmi ah maanta ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Jen. Saxardiid oo saxaafadda la hadlayay isagoo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in ammaanka magaalada Kismaayo uu yahay mid wanaagsan, balse ay qabteen dhowr qof oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo maxkamad lasoo taagi doono.

"Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Raaskambooni waxay si buuxda ula wareegeen maanta oo Talaado ah gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, xaaladduna waa mid deggen," ayuu yiri Jen. Saxardiid.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay inaysan jirin wax dhibaatooyin ah oo ka dhacay degmada markii ay soo galayeen, ayna amar ku siiyeen dadka shacabka ah inaysan hub ku dhex-qaadan karin gudaha degmada sidoo kalena aan la arki karin kooxo u dhisan qaab abaabulan.

"Waxaan amar ku bixinnay inaan la arki karin cid hub ku dhex-wadata magaalada, ciddii lagu arko waxaan u qaadanaynaa inay ka mid yihiin kooxihii nala dirirayay," ayuu yiri Jen. Saxardiid, isagoo xusay in ammaanka magaalada ay aad u adkeeyeen.

Xoogaggii Xarakada Al-shabaab ee shanta sano ka talinayay Magaalada Kismaayo ayaa isaga baxay halkaas horraantii toddobaadkan, kaddib markii culeys milateri ay kala kulmeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Raaskambooni oo is-garabsanaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya