4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2012
Hay'adda CRD oo Fannaaniinta Soomaaliyeed u qabtay Aqoon-Isweydaarsi lagu soo noolaynayo Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka

Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda Cilmi-baarista iyo wada-tashiga CRD ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-isweydaarsi soconayay muddo labo maalmood ah, kaasoo lagu soo nooleynayay ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka ee loo yaqaano (Folklore Dance).

Aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa ka qeyb-galay maareeyaha wakaalada murtida, madadaalada iyo farshaxanka, Abwaan Cabdi Yuusuf Xasan (Abwaan Cabdi-dhuux), ku-xigeenkiisa Cabdikariin Faarax Jiir, abwaanka weyn, Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub), kooxda fanaaniinta Jabuuti ee Deegaan iyo mas'uuliyiinta haya'dda CRD.

Ugu horreyn waxaa hadallo ka jeediyay aqoon-isweydaarsiga madaxda CRD, Jabril Ibraahim Cabdulle isagoo sheegey in sababta ay u qabateen aqoon-isweydaarsigan uu yahay in laga wadahadlo sidii ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka dib loogu soo nooleyn lahaa iyo qaabka loo sixi karo.



Sidoo kale, Jabriil wuxuu in CRD ay horay qayb-weyn uga soo qaadatay dib u soo nooleynta kooxaha fanaaniinta Qaranka - sida hobollada: Waabari, Horseed, Onkod iyo Heegan, isagoo xusay inay muhiimad weyn leedahay ayna tahay mid aan laga maarmayn in in dib loosoo nooleeyo ciyaarayahan iyo sida jiilka dambe u ogaadaan halka ay kasoo jeedaan oo ay yihiin ummad astaan iyo dhaqan lagu garto leh.

Munaasabadda waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay abwaanno waaweyn oo ay ka mid yihiin: C/llaahi Sangub, Cabdikariin Jiir waxaana hadalladooda ay ahaayeen kuwo taabanaya heerarkii ay soo mareen cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo halka ay hadda joogaan.

Ugu danbeyn, waxaa aqoon-isweydaarsiga soo gunaanaday, abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf oo halkaas ka jeediyay erayo uu ugu mahadnaqayay hay'adda CRD, sidoo kalena ku dhiirri-gelinayay fanaaniinta inay iyaguna marka hore muujiyaan inay diyaar u yihiin inay wax qabsadaan, marka kaddibna ay hay’addu wax noo qaban karto.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya