4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo gargaar kala duwan gaasiisay shacabkii ku waxyeelloobay fatahaadihii Baladweyne
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay fatahaadihii Baladweyne ku dhuftay gaarsiisay gargaar kala duwan oo ku kacay lacag gaaraysa 100,000 oo doollarka Mareykanka ah.



Madaxa waaxda xariirka guud ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud, Cali Fadhaa oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in deeqdan ay ugu talogaleen inay ku caawiyaan dadkii ay waxyeelladu kasoo gaareen fatahaada, gaar ahaan kuwa ay hoy la'aantu ku hayso magaalada Baladweyne.

“Waxaan ka qaybinay Baladweyne gargaar ay ka mid ahaayeen: raashin, bustayaal, baco iyo waxyaahan kale ee ay u baahan yihiin dadka ay fatahaaduhu saameynta ku yeesheen,” ayuu yiri Cali Fadhaa oo intaas ku daray inay sii wadayaan gargaarka ay siinayaan shacabka Baladweyne.

Gargaarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo la gaarsiiyo Baladweyne, tan iyo markii ay fatahaaduhu ku dhufteen magaaladaas, kuwaasoo geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhimasho iyo inay burburiyeen 70% guryihii ku yaallay xaafadihii ay fatahaaddu sida xun ugu dhufatay.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay fatahaaddan u ahayd tii ugu xumayd ee ku dhufatay muddo sannado ah, waxaana lagu soo beegay xilli uu madaxweynaha Soomaaliya booqanayo maanta degmada Baladweyne.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya