4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2012
Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Somalia oo Xoriyadiisa dib ugu soo celiyay Wariye Khadar Maxamuud Xareed
Jimco, Oktoobar 19, 2012 (HOL) — Ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa xalay fiidkii xoriyadiisa dib ugu soo celiyay wariye Khadar Max’uud Xareed oo mudo sedex maalmood ah u xirnaa.

Wariyahan oo ka howlgeli jiray idaacadda Radio Goobjoog islamarkaasina hore uga soo shaqeeyay magaalada Kismaayo ayay ciidamadu ku eedeeyeen in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab, haseyeeshee baaritaan dheer kadib ayay ciidamada nabadsugiddu sheegeen in wariye Khadar uusan lug ku lahayn falalka looga shakiyay.

Wariye Khadar Max’uud Xareed oo aan qadka Teleefonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in lasoo daayay Xalay Fiidkii, wuxuuna intaa ku daray in uu aad ugu faraxsanyahay in uu dib u helo xoriyadiisa.

“Mudo Sedex maalmood ayaan xirnaa, ka sokow xoriyada layga qaaday iyo maxbuusnimada ma jirin wax kale oo dhibaato ah oo la I gaarsiiyay mudadii aan xirnaa,” ayuu wariye Khadar Hadalkiisii raaciyay.

Soo deysmada Wariye Khadar ayaa waxa si diiran usoo dhaweeyay Ehelladiisa iyo qaar kamid ah suxufiiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caalamka daafihiisa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya