4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2012
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta xilka ugala Wareegay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, kaddib munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaybgalay.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, C/weli Gaas oo hadal ku furay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay heerarka ay soo martay xukuumaddii uu hoggaaminayay tan iyo markii xilkaas loo magacaabay bartamihii sannadkii hore, isagoo sheegay inay ka shaqeeyeen in Muqdisho lagu qabto doorashada madaxda dalka iyo dastuurka lagu ansixiyo caasimadda.
 
"Afar iyo toban bilood ka hor markii aan xilka la wareegaynay ciidamadeennu waxay joogeen masaajidka macallin Biya-maaloow, xabbaduna waxay ka dhacaysa jidadka Shaqaalaha, Howl-wadaag iyo Saiydka, maantana Soomaaliya waxay ku socodaa waddadii dhabta ahayd ee isbedelka taasoo looga baxay KMG-nimada," ayuu yiri ra'iisul wasaarihii hore ee xilka wareejinayay.

Sidoo kale, Gaas wuxuu sheegay in isaga iyo xukuumaddiisa ay sidoo kale dadaal badan ku bixiyeen sidii gobollada dalka qaarkood looga saari lahaa Al-shabaab, taas oo uu sheegay inay qaarkood hirgaleen, isagoo ka dalbaday xukuumadda cusub inay howsha halkaas kasii waddo.

Isbarasho dhexmartay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo golihii wasiirrada xukuumaddii hore ee C/weli Gaas kaddib, ayuu Cabdi Faarax wuxuu ku ammaanay xukuumaddii hore waxqabadkeeda, isagoo sheegay inuu rajeynayo in inta dhimanna ay dhameystiraan isaga iyo xukuumadda uu soo dhisi doono.

"Waxaan halkan kula wareegay xilka ra'iisul wasaaraha... waxaana xukuumaddii hore ee Cabdiweli Gaas uu horkacayay uga mahadcelinayaa howshii wanaagsanayd ee ay qabatay, waxaana Alle ka baryaynaa inuu noo garto inaan noqonno kuwii dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaarsiin lahaa meel ka wanaagsan halka ay hadda ku sugan yihiin," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Intaas kaddib, waxaa hadalka qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inuu u mahadcelinayo xukuumaddii hore oo suurogelisay in dalka gudihiisa la isku doorto, isagoo sheegay in howsha la qabtay ay tahay mid ay caalamka intiisa badan la yaaban yihiin sida ay ku suurogashay.

"Duruufaha aan ku sugan-nahay iyo sida uu xilliga kala guurka u soo socday waa arrin ay caalamka intiisa badan wax iska weydiinayaan. Soomaaliya waxay u socotaa jihadii wanaagsanayd, haddana waxaan rajeynaynaa inaan intaas wax kusii darno," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa raaciyay in iyaguna ay qaba ndoonaan howlo fara badan, isagoo sheegay in howsha ay tahay sidii taran qori isku dhiib ah, isagoo sheegay in iyaga qoriga loo dhiibay, iyaguna ay si ka qurux badan sida loogu dhiibay ay ugu dhiibi doonaan kuwa ka dambeeya.

Xafladda xil wareejinta oo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin kala duwan oo dowladda ka tirsan ayaa waxaan haddana ku sugnayn madaxweynihii hore ee xukuumaddii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo tartankii madaxnimada Soomaaliya looga guuleystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya