4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2012
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Wadajir ku toogtay guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka Degmadaas
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Dalbley ku hubeysan bastoolado ayaa saakay si gaadmo ah ugu dilay xaafadda Jiiro-maskiin ee degmada Wadajir guddoomiye waaxeed lagu magacaabo jiray, Burus, iyadoo kooxihii dilkiisa geystay ay goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ku sugan halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in guddoomiye waaxeedka la dilay lagu weeraray goob uu fadhiyay, iyadoo kooxaha dilka geystay lagu sheegay inay ahaayeen saddex dhallinyaro ah oo markiiba baxsaday.

"Dilku wuxuu dhacay saakay aroortii waxaana geystay dhallinyaro barstoolado ku hubeysan, xaaladdu mar qura ayay isbedeshay," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay, isagoo sheegay in ciidammo ka tisran dowladda ay goobta soo gaareen dilka kaddib.

Maamulka degmada Wadajir ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay guddoomiye waaxeedka ka tirsan degmadaas, mana jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka loo geystay guddoomiye waaxeedkan oo ka dhigaya mas'uuliyiinta lagu dilay degmadaas kii afaraad tan iyo sannadkii hore dhammaadkiisa.

Sidoo kale, ma jirto cid loo qabtay dilkaas, iyadoo aysan ciidamadu sameyn wax baaritaanno ah markii uu dilku dhacay, waxaana maydka goobta ka qaaday askar ka tirsan kuwa degmada Wadajir.

Degmada Wadajir oo ka mid ah degmooyinka ay ku xooganayd dowladda Soomaaliya tan iyo markii ay billowdeen dagaalladii Al-shabaab iyo dowladdii hore ku dhexmaray Muqdisho, waxaana degmadaas lagu dilay afar wariye oo ka shaqeynayay qaybaha kala duwan ee warbaahinnada Soomaalida, iyadoo kuwo kalena lagu dhaawacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya