4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay la dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab illaa inta ay ka Adkaanayaan
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay sii socon doonaan dagaallada ay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM kula jiraan Al-shabaab inta kooxdan laga adkaanayo ama dalka oo dhan laga saarayo.


Xasan Sheeh ayaa hadalkan ka sheegay golaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu shalay u akhriay khudbad uu codka kalsoonida ugu raadinayay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh oo wax ka qabata xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

"Howgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab ma joogsan doonaan illaa inta laga adkaanayo ama dalka oo dhan laga saarayo. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee caawinayana guulo ayay ka gaareen howgallada ay wadaan," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in muddada uu xukunka dalka hayo ay la wareegeen deegaanno iyo degmooyin ay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo ay booqasho ku tageen saraakiil ciidan iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

“Xilligii koobnaa ee aan xafiiska joogay waxaa suurogal noo noqotay arrimo ay ka mid yihiin: sameynta miisaaniyaadda seddaxda bilood ee sannadka ka dhimman, xadididda kharashaadka ay dowladdu isticmaasho, in ciidamada dowladda la siiyo gunnooyinkoodii garaamaadkii ay lahaayeen," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in bixinta gunnooyinka ciidamada ay sababeen inay sii socdaan howgallada ay ciidamadu ku xoreynayaan gobollada iyo degmooyinka dalka ay kaga sugan yihiin xoogagga Al-shabaab isagoo si gaar ah u tilmaamay qabashadii magaalooyinka Kismaayo, Wanlaweyn iyo garoonka diyaaradaha Balli-Doogle.

Hadalkan madaxweynaha ayaa u muuqda mid ka horimaanaya hadal uu saxaafadda siiyay markii xilkan loo doortay, kaasoo uu ku sheegay inuu qorsheynayo inuu wadahadal la furo xoogagga Al-shabaab ee Soomaalida ah, isagoo isla xilligaas ugu baaqay dagaalyahannada ajnabiga ah ee la safan inay Soomaaliya isaga baxaan.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh wuxu sheegay inuu si wanaagswan ula shaqeynayo xukuumadda Soomaaliya, isla markaana uu ka fogaanayo wax walba oo khilaaf dhalin kara, isagoo sheegay inuu tixgelin gaar ah siin doono go'aannada ay soo saarto xukuumadda, inkastoo uu xusay in bani'aadamku aysan isku fikir noqon karin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya